Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka  Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta qaabilay wefdi ka socday Ha’yada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR.Kulanka

Madaxweyne xigeenka iyo wefdiga ka socday qaramada Midoobay xafiiskeeda qoxootiga. Kadib qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweyne xigeenka Somaliland.
Qoraalkaa ayaa u qornaa sidan;- “Madaxweyne xigeenka   JSL, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL  MUDANE: CABDIRAXMAAN CABDILAAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo MR. ANTONIO GUTERRES  oo ah Sarkaal ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxoontiga Aduunka ee UNHCR Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga Faah-faahin kasiiyey Xaaladda guud ee Dalka ee Dhinaca Dhaqaalaha iyo Nabad-gelyada

waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku weftiga uga Xog-waramay inay Somaliland ku sugan yihiin Dad Badan oo Kuman-naan gaadhaya oo  qaxoonti ah kuwaas oo Culays wayn ku haya Dalka isla markaana aanay Hay’addan UNHCR aanay u aqoonsanayn qaxoonti balse ay u taqaan Bara-kacayaal noloshoodana aanay wax kaalmo ah ka gaysan Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay inay Qaxoontigaasi ka soo  Galaan Wadamada Deriska la ah Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Weftiga ka codsaday inay Dadkaa qaxoonti u Aqoonsadaan oo ay Gacan ka siiyaan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Hay’ada UNHCR ku amaanay kaalmada Binu-aadan-nimo ee ay Somaliland u gaysatay 19 sanno ee uu dalkani jiray.
Madaxa Weftiga MR. ANTONIO GUTERRES Oo ah Sarkaalka u sareeya ee Hay’adda UNHCR oo isna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xukuumada somalilandba uga mahad-naqay soo dhawayntii lagu soo dhaweeyey Dalka waxaanu si mug-leh uga waramay Hay’ada uu madaxda ka yahay ee UNHCR iyo Shaqadeeda, waxaanu sheegay inay UNHCR diyaar u tahay inay Somaliland kala Shaqayso Hawlaha Binu-aadannimo ee ay u xil-saarantahay waxaanu ka garaabay Culayska Dadka Qaxoontiga ah ee Dalkeeda ku sugan.

Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweyne ku-xigeenka kulanka ku wehelinaayey Wasiiradda Warfaafinta,Duulista iyo hawadda, Waxbarashadda, Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Kaluumaysiga iyo Wasiirku Xigeenka Arrimaha Debeedaa.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen Sarkaalka ugu sareeya Hay’adda UNHCR, Sarkaalka UNHCR Madaxda uga ah Africa iyo Sarkaalka UNHCR u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.
ALLAA              MAHAD                 LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *