Hargeysa(ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka koowad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa gaashaanka ku dhuftay mooshin ku saabsan wax-ka-bedel la doonayo in lagu sammeeyo Xeer-hoosaadka golahaas oo todobaadkan  golaha horyaala, kaas oo muran

 iyo khilaaf weyni ka taaganyahay.

Md. Cabdicasiis Maxamed Sammaale oo maanta dalka  ku soo guryo-noqday, islamarkaana xildhibaanno golaha ka tirsan iyo boqollaal dadweyne ahi ku soo dhaweeyeen magaalada Tog-wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Ethiopia, ayaa sheegay inaanay dhici karin wax-ka-bedel lagu sammeeyo xeer-hoosaadka golaha, isagoo tibaxay in cidii doonaysa inay shirguddoonka bedeshaa ay wado sharciya soo maraan, kuna dhaqmaan xeekii hore u yaallay.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Haday noqoto mooshinka shir-guddoonka hala bedeloo oo mid kale hala sammeeyo wax ceeba maaha, laakiin wado sharciya in loo maro ayay u baahantahay, Xeerka golaha u yaalla ayuunbaa wax lagu bedeli, laakiin wixii xeerkaa ka baxsan ee qofku qardo-jeexayo; wado kale marayo ee buuq iyo qaylo uu dalka iyo dadka ku gelinayo waa sumcad darro, waa sharaf dhac.
Shirguddoonka xeer baa u yaala oo lagu bedeli karaa annagu xoog kumaanu iman, golaha sharfta lehbaa na doortay, marxalladii nalagu doortay iyo dalka waxaannu uu qabanay umadaa ka dheregsan, wax inaanu ka hadallo u baahan maaha , qofka isagu leh ‘shir-guddoonku wixii u qaban kari waayay ayaan qabanayaa’ oo anigaa doonayaa shirguddoonka inaan noqdo ceeb maaha, laakiin waxa la rabaa wadada u wanaagsan inuu raaco, hadduu shirguddoonka caayo oo yidhaahdo ‘waa tuug’ waxa uga wanaagsanayd wado saxa inuu u maro, anigu odhan maayo anigu aamin baan ahay isaguna waa tuug waa xildhibaan la soo doortay, waana walaalkay, laakiin hadduu isagu naga wanaagsanyahaya wadadaas saxda ah inuu maro ayay ahayd.

Xeer-hoosaadku golahan u yaalla waa xeerkii u horreeyay ee golahani ansixiyay, xeerkaas sidiisa in loo fuliyaa waa muhiim, haday noqoto xeerkaa in la bedello oo mid kale la sammeeyo wax dhici kara maaha, qodobada xildhibaannadu ka hadlayaan iyo sida lagu bedeli karaana xeerkaasay ku qorantahay, laakiin waxaad arkaysaa xildhibaan ummadda la hadalaya oo doonaya wax sharci darro ah inuu u sheego.”

Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu si kulul u cambaareeyay xildhibanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo aanu magac-dhabin, gaar ahaana waxa uu hoosta ka xariiqay xildhibaanno uu sheegay inaanay muddo dheer ka soo xaadirin fadhiyada golaha, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; ” Goluhu wixii uu ceeb iyo wanaag leeyahay shirguddoonku wuu la leeyahay, waxaannan leeyahay sida loo dhalliilo golaha ceebtiisu maaha waxqabadkiisu wuu badnaa, laakiin waxa jiray dagaal golaha si gaar augu socday wixii mooshin golaha yimaadana waxa habboon in si wanaagsan oo ixtiraam leh loo guto oo sharafta iyo karaamada la ilaaliyo.

Waxa layaab igu noqotay shakhsi miisaan ku leh golaha oo ragga aan aadka u qadariyo ah oo laba sannadood iyo saayid ka maqnaa golaha oo kolba warqad caafimaad noo soo qora, ummaduna leedahay ninka warqadda caafimaad soo qortaa jaamacaduu ku jiraa, annagana marka aanu warqad caafimaad siino ee ay ka dhammaato, hadana isagoo maqan mid kale uu sooo dirto, raggii noocaa ahaa ayaa iyagii maanta ku andacoonaya Xeer-hoosaadkii uu madaxda ka ahaa , waxaan u arkaa qof aan hadalkiisu miisaanayn.

Golahan muddo ayaanu si sharaf leh ku soo haynay, ninka u arkaya inuu nagaga wanaagsanyahay waxba yaanu shacbiga been u sheegine si wanaagsan oo walaaltinimmo leh oo aanu odhan “Cabdicasiis waa khaayin, baashe waa sidan, cabdiraxmaan waa tuug’ layskuma laha , annagu waxaanu nahay ummaddaa og, laakiin anigu odhan maayo kaasaa sidaase waa layna wada ogyahay oo sidaa Madaxweyne Rayaale loo bedelay ayaa anagana nalo bedeliye oo kuraas kalaanu doonaynaa, oo madaxweyne Rayaale 80 cod ayuu ku helay oo xoog, laad iyo feedh-toona kumaynaan bedeline codkuu ku yimi mid ka badanbaa lagu bedelay, dee isbedel wanaagsan oo aan goluhu iscaayinba la doonayaa.”

Gudoomiye-ku-xigeenka oo wax laga weydiiyay in murranka ka dhashay mooshin ku saabsan bedellaada shirguddoonku uu  saammayn ku yeelan doono wax-qabad kasta oo ay ku tallaabsan lahaayeen mudada u hadhay, ayaa yidhi, ” Ma filayo inuu noqon doono wax meel weyn gaadha, bashar baynu nahay oo qaladkuna wuu iska dhacaa, laakiin waxaan ogahay qof kasta oo golaha ka tirsani inay shacabku qiime gaara u hayaan oo uu u leeyahay, waxaana hubaala hadallada deel-qaafka ah ee ka soo baxay xildhibaannada qaarkood dhaawac buu ku yahay waxqabkii, laakiin xildhibaankaas dhaawaca uu u keenayo ayaa ka weyn inta golaha uga imanaysa, qofku isagaa is ceebanaya intaanu golaha ceebayn, waxaad arkaysaa xildhibaan intuu soo fadhiisto golaha caayaya, waxay ahayd ‘Inaad golaha ka tagto inta aad caayayso’

Gudoomiye Cabdicasiis oo waxa laga weydiiyay murranka maanta ka taagan mooshinkani inuu sababy Xeer-hoosaadka lagu doortay shir-guddoonka oo laga ilaalinayay xukuummadii Rayaale, ayaa kaaga jawaabay oo yidhi, “Waa Xeerkii u horreeyay ee goluhu sammeeyay, xeer aad iyo aad u wanaagsan oo qiimihiisa leh weeyaan, haba yaraatee wax qaladaada oo ku jiraa ma jirto, ciqaabaha xildhibaanka golaha ka maqnaadana way ku qorantahay oo waanu fulinaynaa ee ninka arrinkaa ka hadlayaa yaanay la qadhaadhaan oo aanay odhan waa nalaga aar goosanayaa, taasna waxba kama jiraan, xeerkan waxa sammeeyay raggan maanat hadlaya, xeerkana wuxu la mid yahay xeerkii golihii naga horreeyay, mana irto awood dheeraada oo uu shirguddoonka siinayo iyo mid ka dhiman toona.”\

Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad waxa uu qiray in goluhu leeyahay dhalliilo badan, balse ay jiraan waxqabadyo,  waxaannu yidhi “Golahan [Wakiillada] waa gole la soo doortay, waana gole qiime weyn dalka ugu fadhiya, waana golihii u horreeyay ee la soo doortay, goluhu mudadaas uu jiray wax badan oo uu dalka uu qabtay way jiraan, sharciyo badan wuu ansixiyay wax badan oo xukuummadii hore ku qaldanayn wuu ishortaagay, runtii dhalliilona wuu lahaa oo dhalliilo aan qarsoonayn,waxana laga yaabaa dhalliilaha in qaarkood golaha oo dhammi leeyahay, qaarna ay shakhsiyado yeelan karaan. waxaan rajaynayaa mudada kooban ee loo kordhiyay inuu wax badan qaban karo oo markii hore u suurtageli waayay, waanaanu isku dayaynayaa dhalliili ay leeyihiin cid gaara oo golaha ka tirsani inaanu si guud u asturro, waayo qalladka ashqaastu sammaynaysaa waa mid wada saammaysa.”

Gebogebadii waxa Cabdicasiis Samaale sheegay inuu rajo ka qabo xukuumadda cusubi inaanay ku soo celin xeerarka ay anisiyaan, “Waxaan ka rajaynayaa xukuumadda cusub ee Axmed Silaanyo xeerarka golaha ka soo baxa inay si mug leh u eegto oo aanay ku soo celin ee ansixiso, wadashaqayna wanaagsananina inay dhex marto golaha ayaanu ka rajaynayaa. waxaa ceeb ku ah golaha in marka mushahar-kordhin laga doodayo ay lixdan amma todobaatan mudane soo xadiraan, maalinta kale ee laga hadlayo arrimmo dalka muhiim u ahna uu kooramku buuxsami waayo.” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *