Hargeysa(ANN)Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay soo dhamayteen socdaal qaatay muddo Afar maalmood ah oo ay ku tageen dalka Djibouti. Iyagoo kulamo la yeeshay mudadii ay halkaa

 

joogeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Masuuliyiin kale.
Weftigaa oo ay  xubno ka ahaayeen Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska. C/risaaq Khaliif Axmed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xasan Cabdi Cawad ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay  waxyaabihii ay lasoo gurya noqdeen.
Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka hadlayay natiijada socdaalkooda markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxa uu yidhi,  “Waxaanu Djibouti ku tagnay martiqaad rasmi ah oo aanu ka helnay Wasiirrada maaliyada iyo ganacsiga Djibouti, waxaanu masuuliyiinta dalkaasi ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga labada wadan, iyo in wax laga badalo dhibaatooyinka dadka ka haysta xuduuda Lawyacado oo dadka labaca dhinac u socda loogu sahli lahaa safarkooda,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Eng. Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu isla soo qaadnay Ganacsiga Djibouti iyo Somaliland iyo Mashruucii Berbera Coori-door, dhismaha wadada u dhaxaysa Saylac iyo Jabuuti sidii wax looga qaban lahaa arrimhaasi ayaanu u tagnay si wanaasana waana loo soo dhaweeyey.”
Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inay ka wada hadleen sadex qodob oo ay ugu muhiimsanayd kor u qaadista Ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo Djibouti.
“Waxyaabihii aanu ka wada halnay masuuliyyintaasi oo ahaa kor u qaadista xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga Amniga inkastoo aanu wasiirkii ammaanku nala socon haddana anagaa matalayney, qodobka labaadna waa kobcinta Ganacsiga labada dal, iyo ugu dambaytii in la fududadiyo isu socdoka labada dal.” Ayuu yidhi Wasiirka ganacsigu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *