Hargeysa(ANN)Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa maanta  ku geeriyootay magaalada Hargeysa fanaanadii caanka ahayd oo ka mid ahayd hormoodkii hobolada Waaberi Marxuumad Kinsi Xaaji Adem ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa.  Waxaana aaska

marxuumadaa ka qaybgalay boqolaal qof oo ka mid ah bulshada magaalada hargeysa, kooxo fanaaniin ah oo ka socday Ciidanka Asluubta, wasaarada dhaqanka iyo Ciyaaraha,  dalxiiska iyo warfaafinta.
Marxuumad Kinsi Xaaji Aadem waxay ka mid ahayd xidigaha gabdhaha fanaaniinta Soomaaliyeed iyo waliba tiirarka adag ee laf-dhabarta u ahaa Fanka Soomaaliyeed iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
Bilawgii todobaataneeyadii ayey Kinsi Xaaji Aadan ku biirtay fanka, iyadoo markii ugu horeysayna ka mid noqotay Ruwaayadaha ugu badana agtarad ka ahayd kooxdii ciidanka asluubta Soomaliyeed ee la odhan jiray Onkod, isla markaana dadka fanka xiiseeyaa waqtiyada qaar ugu yeedhi jireen faanaanadii codka dahabiga ah lahayd.
Sidoo kalena waxay 1980-kii u wareegtay kooxdii hobolada Waaberi Hargeysa, iyadoo ka qayb qaadatay Rawaayado fara badan oo ka caan baxay gayiga Soomaliyeed, waxaanay noqotayba hormoodkii hobolada Waaberi.  Marxuumada taariikhdii ay fanka ku lahayd iyo nolosheedii haddii ay suurta gasho dib ayaanu kasoo gudbin doonaa insha allaah.
Maamulka iyo shebekada Araweelonews  waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii , Qaraabadii,  bahada fanaaniinta iyo bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogaan , waxayna  Illaahay uga baryayaan inuu jannadii ka waraabiyo Marxuumada  Kinsi Xaaji Aadan  samir iyo iimaana Illaahay ka siiyo   dhamaan bulshada Soomaalida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *