Hargeysa (ANN) Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), ayaa shacabka reer Somaliland iyo Xukuumadaba u soo jeediyay in loo baahan yahay ka qabqaadashada gargaarka iyo caawimadda Shacabka Soomaaliya ee masiibooyinka dabiiciga ah ee wata gaajada, macaluusha

 

iyo abaartu ku habsatay. Waxa kale oo uu abwaanku ka warramay sida uu u arko in aqoonsiga Somaliland ku iman karo.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo shalay magaalada Burco ugu warramay weriyaha Jamhuuriya ee gobollada bari iyo, ayaa ugu horreyn wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aadan xaalada abaarta iyo barakaca ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Degdegaa aad wax igu waydiisay ayaan wixii igu soo dhaca kaga jawaabaya, Soomaliduna waa tii tidhi bowdyo rag maalinba midbaa qaawan,inkastoo abaarta iyo silicu meelkasta ka jiro oo tan aynu joogno ka jiro, balse iskuma xidhna khilaafka dhexyaal labada dhinac, dadnimada iyo gurmadku, sidaa darteed maanta raganimadu waxay ku jirtaa inaan amuuraha laysku khaldin, lagana jawaabo xaqiiqada ka jirta Muqdisho haddii la kari karayo,oo aan loo cuskan beri baa waxaasi dhaceen, shacabka maanta rogmaday maaha kuwii ka masuulka ahaa wixii dhacay ,xataa haddii wax laga tirsanayay waxa siyaasaddu keentay oo la galiyay. Sidaas awgeed, xataa hadhii aan wax la kari karayn baaq caalamka loo jeediyo oo lagu xoojiyo af iyo adinba waa mid xaqa,waa mid islaanimo ah ,waa mid raganimo ah,waa mid dadnimo ah, dadkaa haddii loo gurmadana oo wax la tarana xagga Ilaahayna abaal marin laga helayo, xaggoodana ilayn dadku waa binu’aadame laga helayo mahad-celin.”
Abwaan Hadraawi oo ka warramay sida uu u arko in Somaliland ku heli karto ictiraafkay ka raadinayso caalamka mar la weydiiyey aragtidiisa ku aadan, waxa uu yidhi; “‘Xaqiiqda ka jirta maanta dalkeena markaad u kuurgasho waxa weeye, waxa la aaminsiiyay dadkii annigu haddaanan helin ictiraaf halkaasaan fadhiyayaa oo waxba qabsanm karimaayo ilaa aan ka helayo Ictiraaf caalamka, ta jirtaa ama caqliga fayoobi inna farayo , waxay tahay ictiraafka waxa lagu helaa dadaal iyo raganimo ee wax bilaasha ah ku helimayno ictiraafka ciddii inna ictiraafta wax uun bay inaga doonaysaa u malaynmaayo inta la soo ordo in la yidhaahdo naga qabta hadyadda bilaashka ah ee ictiraafka.Haddii maalintii waddadii habboonayd la haleelo oo la yidhaahdo aynu kacno oo waxqabsanno, oo caalamka tusno inaynu waxgalno oo wax gudno,oo ficilkeenna iyo ragnimadu ha dhaliso maanta lama faro madhnaadeen. Ictiraafka aynu dibadda ka eegayno waxa ka habboon inaynu inagu is ictiraafno oo garano waxaynu nahay wax qabsan karno, caalamkuna waxa uu yaqaan wax la kaalay aan wax kuugu daro.
Aniga waxaad iga gunnadaa hahdaan xagga eebbe wax ka iman,waxay iila muuqataa in xaaladan lagu jiro ee fadhiga iyo quusta aannu ku iman ictiraaf, dawladana waxa weeye waajibkeedu maaha inay tidhaahdo kaligay ayaa doonaya ictiraaf ee waa inay dadkan hawlgaliso oo koox koox u abaabusho dhinaca Beeraha, kalluunka, xoolaha, ganacsiga oo nolosha u qorshayso oo ku hoggaamiso, laakiin dad leh halkaasaan fadhiyaaye ee ictiraafku ha yimaado, iska daa wax kaloo sharciyada Ilaahay baanay ku jirin,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Abwaan Hadraawi.

Xigasho jamhuuriya.

E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *