Hargeysa (ANN) Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyadda ee dhawaan la wareegey xilka Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi ayaa talaabadii ugu horaysay ee uu qaaday waxa uu xilkii ka qaaday maamulayaasha kastamadda Kalabeydh ee gobolka Gabiley Cumar Xasan Caalin  iyo ku xigeenkii kastamka Kalabaydh C/raxmaan Ciro. Sidoo kale  waxa uu wasiirku xilkii ka qaaday maamulihii kastamka Berbera Maxamed Gahayr iyo ku xigeenkiisii, isagoo  jagadaa  u magacaabay Cali Bulbul, halka uu jagada ku xigeenkana u magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed Halaasi.

Talaaabada wasiirka Maaliyadda Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumada cusub oo balanqaaday inay wax weyn ka qabanay musuqmaasuqa balaadhan ee xiligii xukuumada Rayaale ku xididaystay ilaha dhaqaalaha dalka, taas oo sababtay inay gebi ahaanba meesha ka baxaan adeegayadii aasaasiga ahaa ee Bulshadu.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa xiligii kaanbaynka balanqaaday inuu wax ka qabanayo kobcinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadida dhinaca dhaqaalaha dalka iyo horumarka, isla markaana wuxuu xukuumada Rayaale ku dhaliili jiray mid ku mashquushay urursiga hantida ummada, isla markaana ilawday waajibkii iyo masuuliyadii ay shacbiga u haysay. Wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay wasiirka maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi oo xilligii uu mucaaridka ahaa aad ugu naqdiyi jiray xukuumadii Rayaale, isagoo marar badan soo bandhigay qaabka loo musuqmaasuqo dakhliga ilaha wax soo saarka, taas oo uu ku sheegi jiray inay si baahsan u ragaadiyeen ilaha dhaqaalaha dalku ka soo baxo, sidaa darteed  talaabada uu wakhtigan wasiirku qaaday, isagoo xilaka la wareegay todobaadkii hore ayaa noqonay tii u horaysay ee muujisay inay xukuumada cusubi ka dhabaynay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka, isla markaana waxay  dad badani u arkaan inay tahay talaabo uu meesha kaga saarayo  nidaamkii wax isdaba marinta ahaa ee dalka ragaadiyey, halka ay qaar kalena u arkayaan in uu wasiirku xil u samaynayo masuuliyiin mucaaridka ka tirsan oo muddo xil sugayaal ahaa, ama xilal dawladii hore ee Rayaale ay ugu dhiibi wayday fikirkoooda ku wajahan xisbiyada mucaaridka ee uu ka mid ahaa xisbiga hadda talada dalka haya ee Kulmiye.
Laakiin saraakiisha iyo xubnaha goobaha dakhilaga ilaha dhaqaalaha dalka ayaa qaarkood mudo dheer ku sugnaayeen goobahaa, waxayna xubnaha uu wasiirku xilka ka qaaday goobahaa halbawlayaasha dakhliga maamulayeen ku dhowaad todoba sanadood iyo saayid, taas oo aan waafaqsanayn hab maamulka qaabka kastamada iyo goobaha kale ee dakhilaga, isla markaana saraakiisha hada shaqada laga fadhiisiyay ayaa ka mid ahaa shaqsiyaad fara ku tiris ah oo goobahaa u maamuli jiray sida dukaamo ay leeyihiin.
Talaabadan wasiirka maaliyada  iyo talaabooyin kale oo aanu weli qaadin ayaa ah kuwo la saadaalinay, ama la filayay  tan iyo markii  uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magcaabay wasiirka maaliyada Eng. Maxamed Xaashi, iyadoo magcaabistiisa wasaaradaa ay soo dhoweeyeen qaybo badan oo bulshada Somaliland ka mid ahi. Waxayna dad badan oo ka tirsan shacbiwaynaha reer Somaliland aamin sanyihiin in wasiirka cusub ee wasaarada maaliyadu yahay shaqsigii ugu haboonaa ee uu madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu magacaabi lahaa wasaarada maaliyada. Laakiin waxa jira aragtiyo ayay dadka qaar ku iftiiminayaan inay waqti qaadanayso sidii uu wasiirku dhabaha ugu xaadhi lahaa inay goobaha dakhliga iyo kastamada dalku noqdaan meelo ka caagan musuqmaasuq iyo lunsiga cashuuraha dalka, maadaama  ay jiraan carqalo iyo dabino ay xukuumadii hore ee laga guulaystey u dhigtay dawladan cusub ee madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiintan laga badalay Kastamada Kala-baydh iyo Berbera ayaa hordhac u  ah qorshayaasha talaabooyinka xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo ay ku doonay inay  meesha kaga saarto musuq maasuqii daashaday dalka gaar ahaan ilaha dhaqaalaha ee wasaarada maaliyada, waxayna saraakiisha hada la bedelay ahaayeen kuwo sanado badan maaulayay goobahaa mihiimka ahaa oo ay u maamulayeen sidii mulkiilayaal haysta bakhaaro ay leeyihiin.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *