Hargeysa (ANN) Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada caasimada ah ee hargeysa ku dhaqan, kuwaas oo ka socday qaybaha bulshadu ka kooban tahay. Xubnaha wasiirada xukuumada cusub ee kulanka ka qayb galay oo kala ahaa Wasiirada Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Xusseen Maxamed Maxamuud iyo Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday. Iyadoo dhinaca Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi Jeex Dadka ka qayb galay  isugu jireen Culimaa’udiin, Xildhibaano golaha Guurtida ka tirsan, Salaadiin, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro.

Kulankaa oo ujeeddadiisu ahayd waxa ummaddu ka fili karto xukuumada cusub iyo waxa bulshada la gudboon, waxa uu ka dhacay lagu Huteelka  Ambasadoor ee magaalada Hargeysa, Waxayna  xubnaha wasiirada iyo dadkii dhinaca bulshada ka socday isku waajaheen doodo iyo su,aalo la xidhiidha mawduuca ujeedada kulanka, iyadoo xubnihii u hadlay bulshadu ay ka dhawaajiyeen in xukuumada looga fadhiyo in ay ummadda ku maamusho caddaalad, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay ta qof walba deeqda. Sidoo kale waxay xuseen in xukuumada cusub looga baahanyahay waxqabad iyo horumar la taaban karo oo isbedel ku keena bulshada noloshooda iyo daacadnimo ay ugu adeegaan ummadda Somaliland.
Xubnaha ka socday bulshadu waxay wasiirada u sheegeen in shacabku la shaqeynayo oo garab istaagayo xukuumada, si loo gaadho hadafka midka ah ee la wada leeyahay, kaas oo ah Somaliland oo noqota dal horumar wayn gaadha.
Wasiirada ayaa iyana dadkii kulan ka soo qayb galay u sheegay, inay inta itaalkooda ah dadaalayaan, iyaga oo carabka ku adkeeyey inay kor u qaadayaan arimaha nabadgelyada, caafimaadka iyo xoolaha oo ka mid ah hawlaha khaaska ah ee ay xukuumada uga wakiilka yihiin xubnahaa wasiirada ah. Balse waxay  sheegeen inay lagama maarmaan tahay inay garab istaagaan oo ay  iyana u baahan yihiin hiil iyo talo mar walba inay Bulshada ka helaan.
Kulankaa dadkii ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xusseen “Cabdi Waraabe” oo ka tirsan golaha Guurtida, wuxuuna doodo iyo ku waajahay xubnahaa wasiirada ah, iyadoo uu Dr. Gaboose oo ah wasiirka arrimaha guduhu weedhaha ka imanayay Cabdi waraabe jawaabtooda bixinayay.
Kulanka noocan ah ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee xubno ka tirsan xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo la yeelato qaybaha Bulshada.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *