Hargeysa (ANN)Shirkada marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo ‘SBI’ oo dhawaan ku guulasatey in ay hesho liisanka samaynta Kookakolaha (Coco-cola), ayaa markii ugu horreysay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, 280 qof oo reer Somaliland ah u soo bandhigtay jagooyin shaqo oo ka banaan shirkadda iyo shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan Dadka la doonayo inay noqdaan shaqaalaha ka hawl gelaya shirkadaa.

Jagooyinka shirkada samaynta sharaabka Coca Cola soo bandhigay oo ay ka mid yihiin 130 jago oo isugu jira qaybta farsamada, qaybta iibka, qaybta xisaabadka iyo qaybta maamulka, waxa shirkaddu ku soo bandhigtay qaybaha jagooyin ee bannaan iyo shuruudaha looga baahan yahay soo codsadayaasha.
Munaasibadan lagu soo bandhigaayey qaybaha kala duwan ee jagooyinka shaqo ee ka bannaan shirkada SBI ee ku taala magaalada Hargeysa ayaa waxa halkaa si faahfaahsan ugu soo bandhigay khabiirada kala duwan ee hoggaaminaaya xirfadaha kala duwan ee shaqooyinka bannaan.
Ugu horayn Mustafe Cismaan Geele oo ah madaxa shaqada shirkada SBI ee samaynaysa sharaabka Coca Colaha, ayaa si qoto dheer uga waramay doorka ay ka qaadan karto shirkadani kobcinta dhaqaalaha Somaliland, isagoo tilmaamay in ay warshadoodu shaqo abuuris farabdan samayn doonaan shaqaalaheedana ka qaadan doonta muwaadiniinta dalka, waxa uu xusay in ay shirkadani tahay mid heer caalami ah oo xidhiidho la leh sharkado farabadan oo caalamka ah, waxa uu Mr. Mustafe tilmaamay tii u horreysay ee nooceeda Somaliland laga furo, isaga oo ballan-qaaday in muwaadiniinta soo codsaday shaqooyinkan ay u soo xuli doonaan si cadaalad ah, isla markaana ay ku kala saari doonaan heerkooda aqooneed qof kastaana uu qaban doono shaqada uu aqoonta u leeyahay isagoo balan qaaday in ay 120 qof si cad u shaqa galin doonaan iyo 2500 ay si dadban u shaqa galin doonaan, isagoo rajooyin ka muujiyey in ay Somaliland ka heli doonaan shaqaale tayo leh. shirkada Coca-cola ee SBI oo ku taala Jaleelo oo dhinaca woqooyi bari kaga beegan magaalada Hargeysa ayaa la filayaa in ay dhawaan dalka goboladiisa ka hirgasho.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *