Berbera (ANN) Wasiirka Cusub ee Wasaarada Maaliyada, Maxamed Xaashi Cilmi ayaa soo saaray wareegto uu ku laalayo 20% hore looga dhimay Cashuurta Badeecadaha bagaashka loo yaqaan ee kasoo dega Dekeda Berbera. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha cashuuraha ee kastamada Wareegtada Wasiirka maaliyada ayaa  la filayaa in dhaqan gelinteedu ka bilaabanto gebi ahaanba kastamada dalka. balse wararka qaar ayaa sheegaya inay wareegtadani ku kooban tahay oo keliya Kastamka Berbera.

 Badhatamihii Sanadii 2006-dii ayay ahayd markii uu wasiirkii hore ee maaliyadu wareegto ku soo saaray in qiimaha Cashuurta badeecadaha bagaashka loo yaqaan ee soo gala dalka  loo sameeyo qiime dhimis dhan 20% cashuurta ku waajibtay. sidoo kale waxa iyana sidooda loo soo celiyay 50% laga dhimay qalabka dhismaha.
Si kastaba ha ahaatee  talaabadan uu qaaday wasiirka cusub ee Maaliyadu ayaa waxay ka mid tahay talaabooyin hor leh oo wasiirku ka qaaday maamulka maaliyada ee dalka, waxaana la filayaa inay qayb ka noqoto qorshe cusub oo ay dawladu doonayso in lagu kordhiyo dakhliga dalka.laakiin waxa suurta gal ah inay talaabadani keento inay ganacsatada soo dejisa Bagaashku meelo kale kasoo geliso Badeecadaha ay dalka keenayaan, taasina ay keento inuu hoos u dhac ku yimaado dakhligu, halkii la filayay inuu kordho. Balse waxaynu ka war sugaaynaa maalmaha soo socda inay talaabada wasiirku noqoto mid wax kordhisa, ama. wax u  dhinta dakhliga dalka.  laakiin qaar ka mid ah saraakiisha cashuuraha ee Berbera ayaa shebekada Araweelonews u sheegay maanta in durba la bilaabay  dhaqan gelinta wareegtadaa, taas oo ay durba ganacsatadii shubeen lacagihii looga baahnaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *