images/stories/qayb wefdiga eu ka mid ah.jpg    Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo)  ayaa maanta  qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da, weftigan oo uu hogaaminayey Mr. Geroges-Marc Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland / Somaliya. Wefdiga oo ka koobnaa 13 xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland,

Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria iyo UK. Kulanka Madaxweynaha ee wefdiga waxa ku weheliyay Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay kulankaa ka dib qasriga madaxtooyada, wuxuu madaxweynuhu uga waramay xubnahaa xaalada  xaalada guud ee dalka. warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexn yahay Afhayeenka madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse wuxuu isagoo dhamystiran u qornaa sidan;-
“Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo)  ayaa maanta  qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da, weftigan oo uu hogaaminayey Mr. Georges-Marc  Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland / Somaliya.
Wefdiga oo ka koobnaa 13 xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria iyo UK.

 

 

Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabadgelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga uga waramay Dhismaha Xukuumada oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aad u Tiro yar isla markaana Tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu tafaasiiska bixiyey siyaasada xukuumada Cusub ee Horu marinta Wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore.

 

 

 


Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda.
Madaxa Weftiga Georges-Marc  Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii Dalka ka dhacday iyo Sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu soo maalilnad ku dhiiriyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinayo taas”.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *