Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi iyo wasiir ku xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid oo ay weheliyaan    saraakiisha wasaaradda Maaliyada ayaa hor tegey  Fadhigii golaha wakiiladda Somaliland ee maanta. Iyadoo ay mudanayaashu su’aalo la xidhiidha

arrimaha Miisaaniyada 2011 ee golaha hortaala weydiiyeen.

Fadhigaa  oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waxay mudanayaashu ku weydiiyeen  Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Maaliyada, kuwaas oo   uu ka bixiyay jawaabo iyo sharaxaad

Wasiirka Maaliyadda Eng.  Maxamed Xaashi ayaa mar kale ku celiyay eedaymo  uu usoo jeediyay Badhasaabada Gobolada Somaliland, isagoo  xusay in marka la isku wada darro Badhasaabka Gobolka Saaxil uu fahmay hanaankii shaqadiisa,  isla markaana hadda wax badan ka fuliyay hawlihii horyaalay.

Waxa kale oo uu wasiirka Maaliyaddu carabka ku dhuftay in lacagtii kabka ahayd ee loogu talo galay gobolada Barriga gaar ahaan Sool iyo Sanaag Barri intii uu xilka hayay ay ka fuliyeen mashaariic, kuwaas oo sida uu sheegay  dhamaaday, wuxuuna  balan qaaday in Wasaaradiisu ay dabo gal joogto ah ku samayn doonto sidii  loo ogaan lahaa in gobolada barriga ay  gaadhaan wixii loogu talo galay.

“Gobolada Barriga intii aan joogay waxa aanu ka fulinay mashaariic, waxaanan jeclahay in aan idiin sheego in aanu dabogal joogto ah ku samayn doono kolba halka ay wax marayaan, waxaanan balan qaadayaa in aanu wax badan ka qaban doono” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda.

Eng. Xaashi markii uu ka  hadlayay  dhaliilaha  badhasaabyada goboladda dalka oo uu ku  sheegay kuwo aan  shaqadoodii si fiican u garanayn,  isla markaan is hortubaya oo keliya  wasaaradda arriamaha gudaha, wuxuuna yidhi,  “Waxa aad moodaa in badhasaabada gobolada dalku aanay shaqadoodii garayn,  waxa ay xidhiidh keliya la leeyihiiin wasaaradda arrimaha gudaha, marka laga reebo badhasaabka gobolka Saaxil oo isagu mudooyinkii  dambe talaabooyin wax ku ool ah qaaday” ayuu yidhi.

Wasiirka Maalyaddu waxa kale uu xusay in haddii aanay hay’ddaha qaranku wada shaqayn  aan la heli doonin dawladnimo taam ah, isagoo yidhi,  “Haddii aan la wada shaqayn oo golaha wakiiladu la shaqayn xukuumadda, oo aanay la shaqayn wasaaradda maaliyada ma jiraan wax inoo hagaagaya, dawladnimadeenuna waxa ay u baahan tahay in mar walba gacmaha la is qabsado” ayuu yidhi.
Eng. Xaashi waxa uu sidoo kale dhaliilay wasiiradda Xukuumadda uu ka tirsanyahay, isagoo   yidhi “Iminka waxa aad arkaysaa in ninka wasiirka ahi marka meel dhiibo rabitaankiisa ugu horeeyaa yahay in gaadhi, marka labaad waxa uu raadinayaa dhaqaalaheeda, markaa inta uu xaalkeenu sidaas yahay waa la iska wada garanayaa waxa aynu qabsan karno” ayuu yidhi.

Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo la waydiiyay mar haddii ay soo baxeen mushahaarooyinka shaqaalaha, madaxweynaha, ku xigeenkiisa, labada gole iyo ciidamada qaranku, bal halka ay marayso tii golaha wasiiradu waxa  yidhi,  “Anagu sidiinii ma degdegayno ee dib ayaanu u dhiganay mushaharkayaga.”

Wasiirka  oo la weydiiyay dhaqaalaha ku baxaya  gobolada tirada badan ee dalka iyo in khasaare ay ku yihiin  dakhliga dalka, isagoo yidhi,  “Mar haddii aanay golayaashu ansixinin, dhibaato dhaqaale oo baaxad badan ayay dalka ku hayaan” ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *