Buuhoodle(ANN) Afhayeen u hadlay Ciidanka qaranka Somalialnd ayaa  sheegay inay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo  laba gaadhi oo mid yahay nooca gaashaaman iyo gaadhi xamuul ah oo nooca loo yaqaan shaanboo xayraanka. Kadib dagaalkii dhacay saaka oo sida uu xusay weli ka socda

 

duleedka Buuhoodle.
Afhayeenka u hadlay Ciidanka qaranka Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf oo maanta  saxaafada kula hadlayay  wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland, “Waxa kale oo aanu qabanay 20 maxbuus oo uu ku jiro laba wiil oo uu dhalay ninka la yidhaahdo dhalbac ee dhawaan la goostay sadex baabuur oo tikniko ah oo uu markii hore ka soo soo goostay Puntland, maantana labadisii Inan iyo laba gaadhi oo ka mid ah kuwii uu dhowaan la baxsaday.”
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dagaalku bilaabmay subaxnimadii hore isagoo yidhi, “Abaaro 5:30 subaxnimo ayay kooxda nabad diidka ahi soo weerareen ciidanka qaranka laba fadhiisin oo ay degan yihiin waxaan idiin sheegayaa in lagu jabiyay maleeshiyaddii dagaalka soo qaaday  oo dhirbaaxooyin kulul lagu dhiftay, waxaanu ka qabanay laba Baabuur oo tigniko ah waa la iskala tagay Hagoogane iyo Maygaagle waxay Ciidanka qaranku hadda marayaan duleedka magaalada Buuhoodle dagaalkuna wuu socdaa.”  Ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay wasaaradda gaashaandhiga.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *