Muqdisho(ANN) Gaadhi Dhayne ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Kadib markii xero ay deganaayeen ciidamada dawladda taagta daran lagu qarxiyay. kooxda  Aal-shabaab ayaa sheegatay qaraxa maanta ka dhacay magaalada

 

muqdsiho, iyadoo   Xukumadda Soomaaliya ee taagta daran  ayaa dhinaceeda  si weyn u  cambaareysay. 
Wararka ka imanaya magaalada muqdsiho ayaa sheegaya in 11 qof naftooda ku waayeen weerarkaa, iyadoo 35 kalena ay ku dhaawacmeen. 15 ka mid ah dhaawaca cisbitaalka markii hore la geeyay ayaa laga saaray.  kaddib markii la daweeyay, iyadoo 20 kalena weli cisbitaalka  ku jiraan. Sidoo kale  Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur ah oo dadoodu tahay  10 iyo 11 sanno  jir, kuwaas oo goobta qaraxu ka dhacay u dhowaa.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah  dad rayid ah oo ay ku jiraan  dad meesha ku sameynayay jimicsi.
Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta dawladda taagta daran oo ka hadlaya arrimahaa ayaa yidhi, “Wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah. Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka ay  bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”
“Hase ahaatee ciidankayagu  kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan ilaa inta  ay  dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”
Weerarkan ayaa kusoo beegmay   maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda Al-Shabaab dagaaladii u danbeeyay kaga dhinteen  saraakiil sare oo shisheeye ah iyo dagaalyahanno Soomaali ah kaddib markii ciidanka Dowladda iyo AMISOM  ku qaadeen dagaal  fadhiisimo ay deganaayeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *