Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi iyo wasiir ku xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid oo ay weheliyaan saraakiisha wasaaradda Maaliyada ayaa hor tegey Fadhigii golaha wakiiladda Somaliland ee maanta. Iyadoo ay mudanayaashu su’aalo la xidhiidha
arrimaha Miisaaniyada 2011 ee golaha hortaala weydiiyeen.Fadhigaa oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), waxay mudanayaashu ku weydiiyeen Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Maaliyada, kuwaas oo uu ka bixiyay jawaabo iyo sharaxaad
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi ayaa mar kale ku celiyay eedaymo uu usoo jeediyay Badhasaabada Gobolada Somaliland, isagoo xusay in marka la isku wada darro Badhasaabka Gobolka Saaxil uu fahmay hanaankii shaqadiisa, isla markaana hadda wax badan ka fuliyay hawlihii horyaalay.
Waxa kale oo uu wasiirka Maaliyaddu carabka ku dhuftay in lacagtii kabka ahayd ee loogu talo galay gobolada Barriga gaar ahaan Sool iyo Sanaag Barri intii uu xilka hayay ay ka fuliyeen mashaariic, kuwaas oo sida uu sheegay dhamaaday, wuxuuna balan qaaday in Wasaaradiisu ay dabo gal joogto ah ku samayn doonto sidii loo ogaan lahaa in gobolada barriga ay gaadhaan wixii loogu talo galay.
“Gobolada Barriga intii aan joogay waxa aanu ka fulinay mashaariic, waxaanan jeclahay in aan idiin sheego in aanu dabogal joogto ah ku samayn doono kolba halka ay wax marayaan, waxaanan balan qaadayaa in aanu wax badan ka qaban doono” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda.
Eng. Xaashi markii uu ka hadlayay dhaliilaha badhasaabyada goboladda dalka oo uu ku sheegay kuwo aan shaqadoodii si fiican u garanayn, isla markaan is hortubaya oo keliya wasaaradda arriamaha gudaha, wuxuuna yidhi, “Waxa aad moodaa in badhasaabada gobolada dalku aanay shaqadoodii garayn, waxa ay xidhiidh keliya la leeyihiiin wasaaradda arrimaha gudaha, marka laga reebo badhasaabka gobolka Saaxil oo isagu mudooyinkii dambe talaabooyin wax ku ool ah qaaday” ayuu yidhi.
Wasiirka Maalyaddu waxa kale uu xusay in haddii aanay hay’ddaha qaranku wada shaqayn aan la heli doonin dawladnimo taam ah, isagoo yidhi, “Haddii aan la wada shaqayn oo golaha wakiiladu la shaqayn xukuumadda, oo aanay la shaqayn wasaaradda maaliyada ma jiraan wax inoo hagaagaya, dawladnimadeenuna waxa ay u baahan tahay in mar walba gacmaha la is qabsado” ayuu yidhi.
Eng. Xaashi waxa uu sidoo kale dhaliilay wasiiradda Xukuumadda uu ka tirsanyahay, isagoo yidhi “Iminka waxa aad arkaysaa in ninka wasiirka ahi marka meel dhiibo rabitaankiisa ugu horeeyaa yahay in gaadhi, marka labaad waxa uu raadinayaa dhaqaalaheeda, markaa inta uu xaalkeenu sidaas yahay waa la iska wada garanayaa waxa aynu qabsan karno” ayuu yidhi.
Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo la waydiiyay mar haddii ay soo baxeen mushahaarooyinka shaqaalaha, madaxweynaha, ku xigeenkiisa, labada gole iyo ciidamada qaranku, bal halka ay marayso tii golaha wasiiradu waxa yidhi, “Anagu sidiinii ma degdegayno ee dib ayaanu u dhiganay mushaharkayaga.”
Wasiirka oo la weydiiyay dhaqaalaha ku baxaya gobolada tirada badan ee dalka iyo in khasaare ay ku yihiin dakhliga dalka, isagoo yidhi, “Mar haddii aanay golayaashu ansixinin, dhibaato dhaqaale oo baaxad badan ayay dalka ku hayaan” ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com