images/stories/eng. maxamed xaashi.jpg   Hargeysa (ANN) Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng.  Maxamed Xaashi ayaa sheegay inay deynta ay kala wareegeen xukuumadii hore ugu badnaan mudo Lix bilood ah ku bixin doonaan, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay inay shaqaalaha dawlada musharka ka maqan siin doonaan dhowaan, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hor intii aanu goluhu ansixin ka jeediyay golaha wakiilada qudbad kooban oo la xidhiidha qorshihiisa dhinaca maaliyada.“Miisaaniyad ayaynu samaysanay

Miisaaniyada in la raaco weeye, Xisaabiyaha Guud miisaaniyadii wuu raacay dakhiligii baa ka badan kharashkii mudadaasi , haddana daymo badan baa meeshii jira,  markaa tii baanu ku jirnaa sidii loo baadhi lahaa.  Xalay waxaanu la shirnay nimanka Tijaarta ah sababta aanu ula shirnay waxay ahayd sidii aanu daymahaasi u ogaan lahayn inay yihiin kuwo jira iyo in kale, ”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.
 
Eng. Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in cashuuro badan oo dawladu qaadan lahayd ay baaqan jireen waxaanu yidhi “Lacagta  aynu urursanaa way yar tahay arrintaasina waxay ku timid dadkii cashuurta ururinayay ee shaqaalaha ahaa oo dulman oo lacag yar qaata.waxaan diray afar Guddi waxaan idhi soo qiimeeya cel celis ahaan xaaska meel dhaxaadka ahi maalintii inta uu ku noolaan karo. Dabadeedna aanu halkaasi ka dhigno heerka lagu dalacsiinayo mushaharka shaqaalaha. Waxa muuqata Ha caalamiga ahi markay ina leeyihiin dawlad wanaag iyo la xisaabtanka iyo horumarinta shaqaalaha, waxay noqonaysaa aakhirkii qofku muxuu mushahar u qaataa. Qof   aqoon badan iyo shahaado sare haystaa markuu mushaharku yar yahay kuu iman maayo. Waxaan damacsan nahay in dadka wax loo kordhiyo oo mushkiladaa la xaliyo. Si wixii kharash ah ee soo hoyanayay uu sare ugu kaco. Waxaan qabaa lacagta inaga baaqanaysay ee cashuurtii Berriga oo sadex jeer ka badnaan lahayd ta kastamka waxay u yaraatay oo ay 8% u noqotay waxa weeye dadkii aynu wax u diranaynay ayaa aad u dulman. ”
 
“Markaanu   sidaa  wax u tayayno ayaanu muddo lix bilood ah gudahood ku bixin doonaa daymahaasi,  waanay ka soo horayn karaan, ”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu, waxaanu intaa  raaciyay inay jiraan dad  badan oo aan loo baahnayn,  ayaa buuxa meel walba,  waxaana la leeyahay hebeloow hebel shaqada ii qor, waxaan soo jeedinayaa inaynaan  shaqaale dambe qoran inta aynu kuwii hore fasamaynayno. waxaan hayaa qaar aan siddeed sanadood shaqayn oo Wasaaradayada jooga. Si cadaalad loo helo waa in imtixaan la soo rogaa oo dadka imtixaan lagu qaato.cidii hawl gab ahina waxba ma qaataane ’waxay qaataan loo sameeyo oo  lagu yidhaahdo gurigaaga ku fadhi si dhalinyaradu u shaqayso. ”
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *