Kulan ay Fooda Isku Dareen Dhakhaatiirta Iyo Suxufiyiinta Somaliland
Hargeisa (ANN) Koox  ka socotay Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (Somaliland medical Asosiation) oo magaciisa loosoo gaabiyo SOMA iyo suxufiyiin ka socotay qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland ayaa maanta markii u horaysay isku waajahay kulan doodeed ku saabsan isticmaalka Dawooyinka ee Bulshada, xidhiidhka bukaanka ee dhinaca Dhakhaatiirta  iyo siticmaalka dawo dhaqameedka ee dadweynaha xiligan.

Kulankaa oo ku ekaa maalin keliya, isla markaana lagu qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa soo qaban qaabiyay Ururka Dhakhaatiirta ee SOMA, waxayna  ujeedadiisu ahayd sidii ay saxaafada Somaliland iyo ururka dhakhaatiirtu iskaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada dhibaatooyinka Caafimaadka Bulshada iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkilada  balaadhan ee ay dadka reer Somaliland ku hayso daawo dhaqameedku, ama sida ay mararka qaar ugu horseedi karto xanuuno hor leh  iyo mushkiladaha ay kala kulmaan Bukaanku dhakhaatiirta qaarkood.

kulanka oo laysku waajahay doodo iyo falanqayn waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan ururka dhakhaatiirta Somaliland oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Maxamed Gaas, Guddoomiyihii hore ee ururka dhakhaatiirta Somaliland Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed, guddoomiyaha ururka kal-kaaliyeyaasha Somaliland Dr. Maxamed Daahir, Dr. Maxamed Yuusuf Awcali (Culimo) iyo koox suxufiyiin ah oo ka socotay warbaahinta kala duwan ee Somaliland .

“ kulankan aynu maanta iskugu nimi oo u jeedadiisu tahay sidii aynu bulshadeena uga wacyi gelin lahayn dhibaatada ay leedahay daawo dhaqameedku, isla markaana isaga  ilaalin lahaayeen dadka aan aqoonta caafimaad lahayn ee dadka dhirta ku daaweeya, gaar ahaana daawo dhaqameedyada qaybaha qaliinka lagu sameeyo way noocyo badan yihiin, qaybtan qaliinku waa ta ugu dhibaatada badan ee waxyeelada u gaysata dadka lagu sameeyo waxa jira oo sanadahan danbe soo baxay cuduro badan oo oo qaliinka ku gudba,   sida HIV ADIS-ka -ga iyo kuwao kale. waxa loo baahan yahay in ay xidhiidh wada yeehsaan ururada dhakhaatiirta iyo saxaafadu,  si bulshada looga wacyi geliyo waxyaabahaa loogana hortago iyada oo la is kaashanayo, waayo anagu waxaan aamin sanahay in saxaafadu tahay awooda keliya ee bulshada wax gaadhsiin karta.” Ayuu yidhi Dr. Axmed Maxamed Gaas.
weedhahaa ka dib  dhakhaatiirtu  waxay soo  bandhigeen daraasad lagu muujiyay dhibaatada balaadhan ee ay bulshada Somaliland ku hayaan daawo dhaqameeyadu iyo heerka ay wadamo badan oo dunida ahi ka maray isticmaalka dawo dhaqameedku, balse waxay doodu noqonotay  mid si toos ah laysu waajaho. Kadib markii   qaar ka mid ah weriyeyaashii ka qayb galay kulanku su,aalo kala duwan ku waydiiyeen dhakhaatiirta, ,su’aalahaa  oo la xidhiidhay mawduuca lagaga hadlayay kulanka iyo sababta ay dadku miciinka u bidayaan inay u tagaan dadka ku shaqaysta dabiibka dawo dhaqameedka, waxayna dooda xubnaha weriyayaasha ka socday saxaafadu farta ku fiiqeen inay arrintaa sabab u yihiin dhakhaatiirtu oo ay kasab kari waayeen dadkii Bukaanka ahaa ee u imanayay, taasina ay keento inuu qofkii Bukaanka ahaa ka muujiyo dhakhtarkii uu u tegi lahaa kalsooni daro. Kadibna uu toos u tago goobaha dawo dhaqameedka Cilaajyada oo soo dhowayn wanaagsan ay dadka bukaanka ahi kala kulmaan, marka laga reebo khatarta ay waxyaabaha la siinayo yeeli kataan, maadaama aanay dadka goobahaa haystaa inta badan aqoon u lahayn waxyaabaha ay dadka ku dawaynayaan sida Bawaasiirta iyo xauunada kale, ama dhirta la siiyo dadka bukaanka ah ee goobahaa taga.
Sidoo kale waxay suxufiyiinta doodaa ka qayb galay tilmaameen dawooyinka iyo cuntooyinka dhaca ee dalka soo gala oo aan la kaantaroolin, isla markaana waxay dhakhaatiirta ku canaanteen sida aanay ugu hagar bixin dadka bukaanka ah ee u yimaada oo ay wax kasta ka hormarinayaan lacagta, halkii ay naxariis iyo iyo debecsanaan u muujin lahaayeen, iyagoo dhakhaatiirtu garwaaqsaday dhaliilaha farta loo saaray, isla markaana dhinacooda suxufiyiinta  ku canaantay in aanay wax walba xayaysiis u samayn iyagu oo ay yihiin kuwa dadka ku dhiiri gelinaya isticmaalka dawo dhaqameedka khatarta badan yeelan karta.
Suxufiyiinta  ka qayb galay kulankaa  iyo dhakhaatiirtu waxay si balaadhan uga doodeen sidii buslada looga wacyi gelin lahaa khatarta ay leedahay daawo dhaqameedku iyo sidii looga hortegi lahaa,iyaga oo isla qaatay in sida kelya ee laga hortegi karo arintani tahay inay xidhiidh wada shaqayneed  oo hor  leh  yeeshaan ururada saxaafada iyo ururada dhakhaatiirtu,  si wax looga qabto arintan oo ah mid khatarteeda leh, isla markaana waxyeelo gaadhsiin karta Bulshada.

Guddoomiyaha ururka kal-kaaliyeyaasha Somaliland Dr. Maxamed Daahir oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay xidhiidh wada shaqayneed wada yeeshaan ururada dhakhaatiirta iyo ururada saxaafadu si ay iskaga kaashadaan sidii dadka looga wacyi gelin lahaa dhibaatada ay leedahay dawo dhaqameedku iyo in dadweynaha la fahamsiiyo inay ka digtoonaadaan dadka aan aqoonta caafimaad lahayn ee dhirta iyo waxyaabaha kale ee la isku daray dadka ugu sheega inay dawo yihiin, balse taasi ay inta badan dhibaatooyin ku keentay dad badan.

Dr. Axmed Maxamed Gaas oo geba- gebadii kulan soo xidhay ayaa weriyeyaashii halkaasi joogay u soo jeediyay in aanay ka waramin,  ama wax ka qorin arimaha siyaasada oo qudha,  balse loo baahan yahay inay wax ka qoraan arimaha bulshada,sida caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee ay ummadu u baahan tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay  dhibaatadani  ku soo korodhay dalka ee daawo dhaqameedka oo wakhtigan si aad ah ugu soo badanaysa dalka.  Dr.  Gaas  waxa uu sheegay  inay  ku shaqaystaan dad aan aqoon u lahayn caafimaadka iyo dhirtan ay wax ku daawaynayaan, isagoo  xusay in arintaa  loo baahan yahay in lagu waajaho aragti isku mid ah iyada oo dhinac looga soo wada jeedado, isla markaana kulamada noocan ah la joogteeyo.
gebagebadii kulankaa waxa halku dheg looga dhigay “ Dhakhtarkow Bayshinka Dawada Kuu Soo Doontay Cudur ha qaadsiin”.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *