images/stories/gghghh 5.jpg    Hargeysa (ANN) Qiimaha maceeshada qawtal daruuriga ah ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn kor ugu kacay suuqyada magaalooyinka Somalilan. Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada Raashinka ee ganacsatada Bakhaarada ayaa ku tilmaamay kor u kaca maceeshada ee xiligan mid ay sabab u yihiin ganacsatada waaweyn ee soo dejiya Raashinka  oo ay ka iibsadaan Bakhaarleydu  Raashinka.

Raashinka daruuriga Qiimihiisa ayaa kordhay maalmihii u danbeeyay, iyadoo  kiishka   50kg ee daqiiqda ah lagu iibinayay  $33, halka 50kg ee Bariiska ah maanta qiimihiisu marayey $32, isla markaana qiimaha Tanakada Timirta ah ayaa lagu iibinayay $15, iyadoo Sonkortana  uu qiimaheedu si weyn iyada kor ugu kacay labadii bilood ee u danbeeyay, taas  oo ay 50kg marayaan $40.5, halka jawaanka Dhuxushuna uu marayo qiimo dhan 30, 000 SL shillin ah oo ku dhow $5 dollar.

Kor u kaca Raashinka qawtal daruuriga ah ayaa ku soo beegmay xilli ay soo gashay bishii barakaysan ee Ramadaan oo wax ka yar laba maalmood inaga xigaan, taas oo  wel wel hor leh ku abuurtay  dadweynaha  dan yarta ah, kuwaas oo aan iibsan karin Raashin qiimihiisu kor u dhaafayo dhawr iyo afartan dollar, iyadoo  korodhka  qawtal daruuriga ah  ee kor u kacay ay saamayn ku yeelanayso nolosha  Bulshada Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacay duruufaha dhaqaale iyo shaqo la,aanta.

 

 

Sidoo kale xilliga bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa kordha isticmaalka Raashinka, iyadoo ay jiraan  Cuntooyin xiliga  bisha barakaysan ee Ramadaanta isticmaalkoodu kordhaan, iyadoo diyaar garowga bisha Ramadaan oo si wayn looga dareemaayo magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee korodhka  Raashinka qawtal daruuriga ah ee kusoo beegmay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana ma jirto wax talaabo oo ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo  ilaa hada  ka qaaday cabashada dadwaynaha ee la xidhiidha sixir bararka  qawtal daruuriga ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *