Hargeysa(ANN) Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), oo shalay  Khamiistii Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilkaa  u magacaabay, ayaa sheegay inuu iska casilay xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland.“Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego inaan
aqbalay xilka Wasiirnimo ee uu Madaxweynaha Somaliland ii magacaabay waanan uga mahad calisaya horena waan uga aqbalay ,”ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha oo maanta u waramayay Saxaafada.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu sida uu sharcigu dhigayo uu iska casilay xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Waxa kale oo aan idiin sheegayaa inaan iska casilay xubintii Golaha Wakiilada ee aan u hayay ummadda reer Somaliland maadaama oo Sida Qodobada 48-aad iyo Qodobka 50-aad Fiqradiisa 2-aad ee Dastuurka Qaranku dhigayaa dawladdu sadex tiir ayay u qeybsan tahay markaa Tiir baan hore uga tirsanaa oo Baarlamaankii ah, imikana waxaan u gudbay tiirkii Fulinta.”
Wasiirka Cusubi waxa uu ku dooday inuu isku xidhi doono Baarlamaanka iyo Xukuumada Somaliland.
Dhinaca kale magcaabista Madaxweynaha Somaliland u magcaabay xilka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kusoo beegantay, iyadoo la saadaalinayay inuu Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn balaadhan ku samaynayo golihiisa wasiirda munaasibada ciida. Kadib. Lamana hubo inay taasi meesha ka baxday iyo inay weli u qorshaysan tahay Madaxweynaha. Laakiin masuulka loo magcaabay wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale oo ku magac dheer (Duur) ayaa ahaa xildhibaanada golaha wakiilada ee kasoo baxay Berbera, wuxuuna ahaa xubnihii xisbiga UDUB uga soo baxay gobolkaa doorashadii golaha wakiilada ee 2005, balse Xildhibaan Duur wuxuu markii danbe ka mid ahaa xildhaanada mar walba la safan mucaaridka ee aan taageerin inta baddan  qorshayaasha xukuumaddii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 28 Jun 2010. Marka laga reebo qorshayaasha dhinaca Maaliyada.
Xildhibaan Duur wuxuu ahaa xubnaha gudida dhaqaallaha ee golaha wakiilada oo goluhu ku xaman jireen inay  xidhiidh dhaw la lahaayeen  wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale, taas oo sabab u ahayd inay miisaaniyadihii uu golaha keeni jiray xilgaa Wasiir Cawil la meel mariyo. Laakiin xiligaa uu golaha ka midka ahaa mar walba ka mid ahaa xubnaha ugu dhaqdhaqaaqa baddan, isla markaana kaanbaynada siyaasadeed ee dhinaca deegaanada xiligii diyaargarawga doorashada Madaxtooyada abaabulka kaga jiray, isagoo u ololaynayay in xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale meesha laga saaro.
magcaabista xildhibaanka ee galabnimadii Khamiista, waxa habeenimadii suuqa soo galay warar  laysla dhexmarayay oo sheegayay inuu xildhibaan duur ku gacan saydhay magcaabista Madaxweynaha ee xilkaa. laakiin shebekada Araweelonews oo caawa khadka telefoonka kula xidhiidhay, wuxuu u shaagay inaanay waxba ka jirin wararkaa ee uu aqbalay magcaabista madaxweynaha, isla markaana uu qaatay xilka loo magcaaby.

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *