Gaalkacayo(ANN)Woqooyiga Magaalada Gaalkacayo  waxaa maalintii labaad ka dhacay dagaal xoogan, kuwaas oo u dhexeeya  ciidanka  maamulka Puntland  iyo koox hubaysan oo ay ku sheegeen Maamulka Puntland inay dagaal kula jiraan koox argagixiso ah, ayna sii wadi doonaan. Hase yeeshee

mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland ayaa ku gacan seydhay hadalka maamulka Puntland.  Wuxuuna meesha ka saaray inay  koox argagixiso ah yihiin kuwa dagaalamayaa.

Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacayo waxa uu xooggiisu ka dhacay maanta xaafadda Garsoor oo ku taala dhinaca Woqooyi, waxaana lagu soo warramaya inay  maanta dagaalka ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo taangiyo ku hubeysnaa. Ilaa 30  qof oo labada dhinac ah ayaa la sheegay inay labada dhinacba  ka dhinteen, isla markaana tirooyin intaa ka baddan oo  dhaawacyo soo gaadheen. Sarkaal u hadlay  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland   ayaa qiray inay jjiraan dhimasho iyo dhaawacba. Waxaana la sheegay inay Cusbitaalada  la keenay dhaawacyo fara baddan, balse aan la shaacin tirade saxda ah.

Afhayeenka nabadoonada Puntland, Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-guduud)  oo u warramay  warbaahinta  ayaa ayaa dhaliilay dagaalkaasi. Wuxuuna ku baaqay in arrinta wadahadal loo bedelo oo meesha laga saaro gacan ka hadalka.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ka socda magaalada Gaalkacayo ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Gaalkacayo ay ka dhacayeen dilal qorsheysanaa oo ay Puntland marar badan ku eedeysay inay ka dambeyso argagixiso.

Inkasa oo Maamulka Puntalnd uu sheegay in dagaalkan ay ku qaadeen koox argagixiso ah oo al-Shabaab ka tirsan, haddana marka la eego jawaabaha ka imanaya dhinacyo kala duwan, dagaalku waxa uu u muuqdaa inuu yeelanayo weji qabiil, taas oo sii kicin karta xiisado beeleed oo  mudooyinkii u danbeeyay  ka aloosnaa magaalada Gaalkacayo

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *