Maldives (ANN/Minivan News)- Wasiirka Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark Mr. Soren Pind, ayaa ka xogwaramay safarkii uu dhawaan ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland iyo cabsida beesha caalamku ka qabto  halista xagjirnimadda. Sida

lagu faafiyey bogga wararka ee Minivan News, wasiirka iskaashigga caalamiga ah ee dawladda Denmark oo shalay booqasho ku tagay Jasiiradda Maldives oo ku taal badweynta Hindiya ee Koonfurta Qaaradda Aasiya oo saxaafadda u waramay, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jasiiradda Maldives Mr. Mohammed Nasheed kala hadlay cabsida beesha caalamku ka qabto xagjirnimada sii fidaysa iyo  muhiimadda ay leedahay in la helo bulsho furfuran oo la tacaasha xagjirnimadda sii xoogaysanaysa, isaga oo xusay in safaro uu ku tagay  wadamada Somaliland, Kenya iyo Itoobiya uu kala xaajooday  sidii looga hortagi lahaa argagixisada iyo korodhka xagjirnimada sii xoogaysanaysa.
“Waxaan Jaanis u helay in aan madaxweynaha Maldives kala xaajoodo falalka xagjirnimada sii xogaysanaysa, waxaanan idiin sheegayaa in xagjirnimadu aanay ahayn wax ku kooban oo qudha Jasiiradda Maldives, basle socdaal aan dhawaan ku tagay Somaliland, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan ka wada xaajoonay muhiimadda ay leedahay in la helo bulsho furfuran oo la tacaasha caqabada taagan ee ku  saabsan falalka xagjirnimadda cabsida ku haysa adduunka,” ayuu yidhi wasiirka Iskaashigga horumarinta dawladda Denmark.
Waxa  kale oo wasiirku masuuliyiinta Maldives kala hadlay dhibaatooyinka Isbeddelka cimiladda adduunka iyo sidii arrimahaa loo maarayn lahaa, isaga oo sheegay in dawladiisa Denmarka ay taageeri doonto mashuurca isbeddelka cimiladda ee dallalka Kenya, Indonisiya iyo jasiiradda Maldives, iyaga oo arrimahaasna u qoondeeyey lacag gaadhaysa $40 milyan oo dollar, taasi oo uu xusay inay qayb ka tahay tallaabooyinka wax lagaga qabanayo isbeddelka cimiladda adduunka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *