Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka iyo Xeebaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa sheegay inuu guulo kasoo hooyay safar uu dalka kaga maqnaa oo uu booqasho ku soo maray wadamada Carabta qaarkood. Wuxuuna xusay in masuuliyiinta uu kula kulmay
dalalka uu soo maray ka mid ahaa gudoomiyaha Baanka adduunka, kaas oo sida uu sheegay uu ka dalbaday sidii ay u taageeri lahaayeen horumarinta kalluumaysatada Somaliland.
Dr. Maxamed Yaasiin waxa uu sidaa u sheegay maanta Magaalada Hargaysa. Kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay, isagoo socdaal qaatay muddo saddex todobaad ah oo uu ku tagay dalalka Tuunisaya, Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti kasoo gurya noqday.
Wasiirku waxa uu ka waramay kulamo uu sheegay in uu la yeeshay wasiiradda dhigiisa ah ee saddexdaasi dal oo uu kala hadlay sidii ay iskaashi dhinaca kalluumaysiga ah ula yeelan lahaayeen Somaliland.
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan waxa uu sheegay inuu dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay Guddoomiyaha Baanka adduunka oo uu ka dalbaday inay maalgelin ku sameeyaan horumarinta kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, si kor loogu qaado waxsoosaarka kalluumaysatada wadaniga ah. Wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi, “Waxaynu leenahay Khayraad badan, balse kama faa’idaysano, sababtuna waxa weeye xirfad la’aan, waxaad arkaysaa dadkeenii oo Kaluunka baddeena ka gaajoonaya markaa waxaanu ahamiyada siinaynaa wasaarad ahaan in bulshadeena xeebaha degan kor loo qaado xirafadooda kaluumaysi iyo sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen khayraadka Badda ku jira, waana taas ta aan kala hadlay gudoomiyaha Baanka Aduunka iyo wasiiradda wadamada aan booqday, wayna balan qaadeen inay wax nagala qabanayaan horumarinta xeebaha iyo sidii looga faa’idaysan lahaa khayraadka dalka.”
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in ay guul ku dhamaadeen wada hadaladdii uu la yeeshay saddexda wasiir ee Kalluumaysiga u qaabilsan dalalka uu booqday, waxaanu ku adkaystay in uu xidhiidho u soo sameeyay Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380