Hargeysa(ANN)Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha   Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire, ayaa sheegay inaanay Magacaabista Wasiirka Khaarajiga ee Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, wax saamayn ah ku yeelanayn Nidaamka dawladeed iyo

mawqifka siyaasadeed ee Shacbiga Somaliland iyo Xukuumadda toona.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaanay arintaasi  hakad  iyo dib u dhac toona ku keenayn qastiga wada hadalada Somaliland iyo somaliya ee horaantii sanadkan  bilaamay, hadii aanay dhinaca Dawlada Somalida arin carqaladaynaysaa kaga iman, loona turjumi Karin magacaabisteeda in Somaliland ka noqotay go’aankeedii Gooni-isu taaga.

Waraysi uu siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC-da ayuu  sidaasi ku sheegay, waxaanu intaasi raaciyay in Somaliland mar walba jeceshahay nabad-gelyada Somaliya, isla mar ahaantaana soo dhaweynayaan wanaag kasta iyo rajo walba oo ay Muqdisho ku xalinayso mushkiladaha ka taagnaa 22 sanadood.

Mar uu ka hadlayay aragtidiisa ku aadan sababta loo Magacaabay iyo Shakhsiyadeeda Aasaaska ah  Wasiirka arrimaha dibada Somaliya, ahna Raysal-wasaare ku xigeenka koowaad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan(Qabille), waxa uu yidhi “Foosiya waa Gabadh u dhalatay Somaliland, xagaana way u dhaxday oo way ka tirsantahay, markaa hadii ay Xagaa xil ka qabato, looma turman karo inay Somaliland oo kaliya metelayso”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray “mid kale Wasiirka arrimaha dibada Somaliya maaha markii ugu horaysay ee Qof Reer Somaliland ahi qabto, laakiinse waxa hore u qabtay Rag badan oo ka soo jeeda Somaliland, sida Cismaan Kaluun iyo Maxamed Cabdilaahi Oomar,  wasiirka Gaashaan-dhiga ee Xukuumadii hore ee TFG-du wuxuu ahaa Xagan , wax caqabad ahna kumay keenin dawlada somaliland , Foosiyana waxba kama bedelayso wixii jiray ayaan filayaa”ayuu yidhi.

Hadalka Wasiir Geel-jirre ayaa daba socda Magacaabista Wasiirka arrimaha dibada Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, taasoo maalintii Axadda ee todobaadkan loo magacaabay Wasiirka Khaarajiga Somaliya, ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee dalkaasi.

Marwo Foosiya ayaa horaantii sanadkan ka mid ahayd Siyaasiyiintii Aasaasay Ururka NDB ee ka qayb qaatay Wajiyadii hore ee Kala-shaandhaynta Ururadda Siyaasadda Somaliland ee kuwii ka soo hadhay hada ku Hirdamayaan Doorashada Golayaasha deegaanka.

Wasiir Foosiya oo Magacaabisteeda ay dad badani u arkayeen mid lagu kala dhantaalayo Qadiyadda Somaliland, Saacado yar ka dib markii la magacaabay mar ay la hadashay Warbaahinta waxay sheegtay inay doorkan qabatay Mansab siyaasadeed oo ka baxsan arrimaha Somaliland Miisaankiisana xambaarsan, laakiinse marna aanay ka shaqaynayn wax qabad ku keenaya Go’aanka Shacbiga Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ku shaqaynayso Rabitaanka Shacbiga Somaliyeed, kuna talaabsanayn wax ka baxsan Maslaxadda Midnimada Somaliya “annigu Marna kuma dhaqaaqayo wax dhibaato ku ah Maslaxadda Umadda Somaliyeed, Midnimadduna sidii Madaxweyne  Xasan Sheikh sheegay maaha mid ku imanaysa khasab”ayuu yidhi.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *