Hargeysa(AAN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa xafiiskiisaku qaabilay maanta Wefti  ka socda Shirkada General Energy oo ka mid ah shirkado dhawr ah oo xukuumadda Somaliland la gashay heshiis dhinaca shidaalka ah, balse aan weli

 

heshiiskooda loo gudbin baarlamaanka.

Weftiga ka socady shirkaddaa oo uu hogaaminayay madaxa shirkadaa Energy MahMet iyo Agaasimaha Fulinta ee  Tony ay-wad oo saaka ka soo degay madaarka magaalada Hargaysa waxaa soo dhoweeyay  Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha Iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, waxayna markaa ka dib kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xubnaha Weftiga ka socday shirkadaa ayaa kulankaa ka dib saxaafada loo sheegay inay  ka wada hadleen arrimaha baadhista iyo sahaminta shiidaalka, waxayna Madaxweynaha Gudoonsiiyeen hadyad Shirkada General Energy ku maamuustay .

Kulankaa ka dib waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland  Xuseen Cabdi Ducaale iyo Agaasimaha Fulinta ee shirkadaa Mr. Tony Aywad, iyadoo Wasiirku  sheegay in socdaalka weftigu yahay kii u horeeyay ee noociisa ah, sla markaana ay dalka u yimaadeen hawl galo dhinaca baadhista Shiidaalka iyo Sahamintiisa la xidhiidha oo dhowaan la bilaabayo.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in sannadka soo socda ay shirkadani si rasmi ah dalka uga bilaabi doonto qodista ceelkii ugu horeeyay ee shiidaal laga baadi goobayo,isagoo xusay  in rajada somaliland ee Shiidaal helistu ay tahay mid aad u saraysa.https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13ad5465918d7075&attid=0.1&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1352207607226&sads=V0mUq04sMCcpHUs62_wxSNxrhO0&sadssc=1

Dhinaca kale Agaasimaha fulinta ee Shirkada General Energy Mr Tony Ay- wad ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida qiimaha leh ee Xukuumada Somaliland u soo dhawaysay isaga iyo weftigoodaba, isagoo xusay
inay si niyad sami ah u sii ambo qaadi doonaan hawlaha Sahaminta Shiidaalka, sla markaana ay ku maal gelinayaan lacag ka badan Afartan Milyan oo dollar waxaanu u rajeeyay Shacabka Somaliland inay u soo saari doonaan Shiidaal Sannadka 2014.

maaha markii u horaysay ee Somaliland ay yimaadaan wefdiyo sidan oo kale ah oo sheega inay shidaal kasoo saarayaan dalka, waxaana inta badan la arkaa xiliyada doorashooyinka, taas oo dad badan xusuusinay xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale oo shirkado aan si weyn looga aqoon dunida sheegi jireen inay bilaabayaan hawlo shidaal qodis ah, balse ku dhamaada waxba kama jiraan, taas oo sababtay inay qaybo badan oo ka mid ah bulshadu u arkaan dhawaaqa wefdiga ka socda shirkadan ee rajada ah mid aan waxba ka duwanaan kuwaa hore.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *