Hargeysa(ANN)Midawga Yurub ayaa Somaliland ugu deeqay lacag gaadhaysa 50 milyan oo Euro, taas oo la doonayo in wax lagaga qabto adeegyada aasaasiga ee bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wefti ka socda midowga yurub (EU)-da oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulan ay maanta la yeesheen Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada kaga dhawaaqay deeqdaa.

Deeqdaa ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay wada jir u qabteen xubno ka socday midowga yurub iyo wasiirrada qorshaynta qaranka, Arrimaha Debedda, Cadaaladda, Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Dawzi, ayaa halkaa ka sheegay inay deeqdani gaar u tahay Somaliland,  isla markaana ay rajaynayaan inay wax ka tarto kobicinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga Somaliland. sida horumarinta kaabayaasha waxbarashada, kalluumaysiga, macdanta, biyaha iyo beeraha.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya waxa uu sheegay  in deeqdan oo gaadhaysa 50 Milyan oo Euro ay ka mid tahay mashaariicda waxqabad ee midawga yurub doonayo in uu waxqabad kaga gaysto horumarinta Somaliland. iyadoo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uga mahad celiyeen xubnaha Weftiga  Deeqda ay ugu balan-qaadeen Somaliland

Xubnaha wefdiga ayaa soo maray Muqdisho ka hor intii aanay Somaliland iman, waxayna kaga dhawaaqeen magaalada Muqdisho deeq ay siinayaan dawlada cusub ee Somalia oo gaadhay 412 milyan oo Euro oo la siinayo dawlada Somalia, taas oo marka loo eego deeqda ay Somaliland siiyeen midawga Yurub noqonay fara guudkood.
Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadlaya xadiga deeqda ay siiyeen dawlada Somalia ayaa yidhi, “Midoowga Yurub waxa u ansaxiyey Soomaaliya 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah, Tani waxa ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada  dhexe oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya, 212 Milyan oo la gaadhsiiyey 412 Milyan oo  lacagta Midowga Yurub ah”  ayuu yidhi safiirka Midawga Yurub, wuxuuna   xusay in Midoowga Yurub ahaan doono deeqbixiyaha ugu weyn ee dawlada Somalia.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *