Dubai (ANN)  Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo  ka mid ahaa wefti uu hogaaminayo Madaxweyne  Daahir Rayaale Kaahin  ayaa shalay ku hadhay Madaarka magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta. xiligaa oo wefdigu u boqoolayay safar dhinaca  dalka Faransiiska ah.
Weftiga Madaxweyne Rayaale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha debeda C/llaahi Maxamed Ducaale.  Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali sandule iyo  Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor  iyo xoghayaha  gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay  in uu Madaarka Dubai kaga hadhay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule), ka dib markii sida ay wararku sheegayaan ay suurtagal noqonweyday inuu kasii mid ahaado wefdiga oo u boqoolayay dhinaca dalka faransiiska.  “Arrintaasi way jirtaa, waxayna ahayd dhacdo fool-xun. Weftigu waxay Madaarka tageen saacadu markay 6:00 subaxnimo ahayd, Baasabooradana waxa u siday nin Xasan Diini la yidhaahdo, dabadeedna markii ay xafiiska socdaalka ee Madaarka galeyeen xubnaha kale Boosabooradooda wuu siiyay, Wasiirka Boosahana wuxuu yidhi kaagii waan waayay.” ,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dubai oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal oo ka cudur-daartay in magaciisa la xuso. “Markii hore wuxuu yidhi Baasaboorku wuu iga lumay, markii dambe ee weftigu ambabaxayna Baasaboorkii jeebkiisa ayuu ka soo saaray, inay la ogaayeen iyo inkalena Ilaahay baa og. Weftigu sidii ay hadalka u dhigayeen, ninkaas uun bay canaanteen, wayna dhoofeen. Laakiin, Wasiirku aad buu u cabanayaa, waanad garan kartaa xaalada uu ku sugan yahay Wasiir halkaa lagaga tegay.” ayuu raaciyay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno Jaaliyadda ee magaalada Dubai ka tirsani Wasiir Cali-Sandule dib uga qaadeen Madaarka, kuna celiyeen hotel lagu magacaabo Shiraton oo uu degen yahay. Ilaa hada ma jiro war arintaa ku saabsan  oo weftiga Madaxweynaha iyo Madaxtooyadu ka soo saareen Wasiirkaa ku xanibmay magaalada Dubai.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *