Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa sabtidii Todobaadkii hore ka dhoofay dalka, , isla markaana wuxu ka hor intii aanu ka duulin Madaarka Magaalada hargeysa u sheegay saxaafada in ujeedada safarkiisu tahay mid caafimaad oo uu ugu baxayo dhinaca dalka Faransiiska, kaas oo qaadan doona laba todobaad, isagoo xusay inuu ku sii hakan doono dalalka Ethopia iyo Djabuti.  Hase yeeshee Madaxweyne Riyaale  oo mudo todobaad ku dhow ku sugnaa dalalka Ethopia Iyo Djabuuti ayaa si lama filaana safarkiisii ugu bedelay dhinaca Dalka Emaraatka carabta ee magaalada Dubai.   
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen warar ku dhow dhow wefdiga madaxweynaha . wararkaa oo sheegaya in Madaxweyne Riyaale oo ay safarkiisa ku weheliyeen wasiirka uu dhowaan magcaabay ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali  Sandule iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, iyagoo mudadii ay halkaa joogeen kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadaha labada dale e Djabuuti iyo Ethopia. Sidoo kale waxay kulamo la yeesheen shirkado Ganacsi oo ay ka wada hadleen mashruuca sida weyn ugu jihaysan Africa ee dhinaca Ernernetka iyo isgaadhsiinta telefoonada.

Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay kulamada Madaxweyne Riyaale iyo wefdigiisu la yeesheen Masuuliyiinta iyo ganacsatada labada dal, balse waxa jira warar laga soo xigtay oo sheegaya inay ka wada hadleen qaabka loo qaybinayo maalgashiga mashruucaa iyo sida looga qayb gelinayo ganacsatada, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu arrintaa ka dhashay ismaandhaaf ku saabsan habka loo qaybinayo mashruucaa iyo meesha uu marayo, iyadoo dawlada Ethopia doonay inay gaarkeeda u soo jiidato, iyadoo  soo marinay dhinaca Biyaha  somaliland, halka ay Djabuutina doonay inay iyadu gebi ahaanba maamusho mashruucaa  oo ay hadaba shirkadaha telefoonada soomaalidu isticmaalaan khadka halkaa mara.

Ma jiraan warar si faahfaahin ka bixinaya ujeedada uu Madaxweyne Riyaale u bedelay safarkiisa, balse waxa jira tibaaxo sheegay inuu halkaa kula kulmayo ganacsato dalkaa u dhalatay iyo kuwo kale oo degan, kuwaas oo sida wararku sheegayaan uu kala hadlayo qaabkii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen mashruucaa iyo sidii ay uga qayb gelin lahaayeen saami uu ku yeesho.

Dhinaca kale warbaahinta dawlada oo socdaalka Madaxweyne Riyaale iyo kulamada uu la yeeshay  masuuliyiinta Ethopia iyo Djabuuti laga soo tebeinayay ayaan sadexdii maalmood ee u danbeeyay soo hadal qaadin Madaxweyne Riyaale iyo wefdigiisu dhinaca ay uga boqooli doonaan halkaa.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *