Weftiga Madaxweyne Rayaale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha debeda C/llaahi Maxamed Ducaale. Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali sandule iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu Madaarka Dubai kaga hadhay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule), ka dib markii sida ay wararku sheegayaan ay suurtagal noqonweyday inuu kasii mid ahaado wefdiga oo u boqoolayay dhinaca dalka faransiiska. “Arrintaasi way jirtaa, waxayna ahayd dhacdo fool-xun. Weftigu waxay Madaarka tageen saacadu markay 6:00 subaxnimo ahayd, Baasabooradana waxa u siday nin Xasan Diini la yidhaahdo, dabadeedna markii ay xafiiska socdaalka ee Madaarka galeyeen xubnaha kale Boosabooradooda wuu siiyay, Wasiirka Boosahana wuxuu yidhi kaagii waan waayay.” ,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dubai oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal oo ka cudur-daartay in magaciisa la xuso. “Markii hore wuxuu yidhi Baasaboorku wuu iga lumay, markii dambe ee weftigu ambabaxayna Baasaboorkii jeebkiisa ayuu ka soo saaray, inay la ogaayeen iyo inkalena Ilaahay baa og. Weftigu sidii ay hadalka u dhigayeen, ninkaas uun bay canaanteen, wayna dhoofeen. Laakiin, Wasiirku aad buu u cabanayaa, waanad garan kartaa xaalada uu ku sugan yahay Wasiir halkaa lagaga tegay.” ayuu raaciyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in xubno Jaaliyadda ee magaalada Dubai ka tirsani Wasiir Cali-Sandule dib uga qaadeen Madaarka, kuna celiyeen hotel lagu magacaabo Shiraton oo uu degen yahay. Ilaa hada ma jiro war arintaa ku saabsan oo weftiga Madaxweynaha iyo Madaxtooyadu ka soo saareen Wasiirkaa ku xanibmay magaalada Dubai.
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com