Maldives (ANN/Minivan News)- Wasiirka Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark Mr. Soren Pind, ayaa ka xogwaramay safarkii uu dhawaan ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland iyo cabsida beesha caalamku ka qabto halista xagjirnimadda. Sida
lagu faafiyey bogga wararka ee Minivan News, wasiirka iskaashigga caalamiga ah ee dawladda Denmark oo shalay booqasho ku tagay Jasiiradda Maldives oo ku taal badweynta Hindiya ee Koonfurta Qaaradda Aasiya oo saxaafadda u waramay, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jasiiradda Maldives Mr. Mohammed Nasheed kala hadlay cabsida beesha caalamku ka qabto xagjirnimada sii fidaysa iyo muhiimadda ay leedahay in la helo bulsho furfuran oo la tacaasha xagjirnimadda sii xoogaysanaysa, isaga oo xusay in safaro uu ku tagay wadamada Somaliland, Kenya iyo Itoobiya uu kala xaajooday sidii looga hortagi lahaa argagixisada iyo korodhka xagjirnimada sii xoogaysanaysa.
“Waxaan Jaanis u helay in aan madaxweynaha Maldives kala xaajoodo falalka xagjirnimada sii xogaysanaysa, waxaanan idiin sheegayaa in xagjirnimadu aanay ahayn wax ku kooban oo qudha Jasiiradda Maldives, basle socdaal aan dhawaan ku tagay Somaliland, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan ka wada xaajoonay muhiimadda ay leedahay in la helo bulsho furfuran oo la tacaasha caqabada taagan ee ku saabsan falalka xagjirnimadda cabsida ku haysa adduunka,” ayuu yidhi wasiirka Iskaashigga horumarinta dawladda Denmark.
Waxa kale oo wasiirku masuuliyiinta Maldives kala hadlay dhibaatooyinka Isbeddelka cimiladda adduunka iyo sidii arrimahaa loo maarayn lahaa, isaga oo sheegay in dawladiisa Denmarka ay taageeri doonto mashuurca isbeddelka cimiladda ee dallalka Kenya, Indonisiya iyo jasiiradda Maldives, iyaga oo arrimahaasna u qoondeeyey lacag gaadhaysa $40 milyan oo dollar, taasi oo uu xusay inay qayb ka tahay tallaabooyinka wax lagaga qabanayo isbeddelka cimiladda adduunka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380