Hargeysa(ANN)Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed (Gacamay) iyo sadex qof oo kale ayaa ku dhaawacyo soo gaadheen.  ka dib markii baabuurkiisii uu kula qalibmay duleedka magaalada Dhahar oo 285 km dhinaca bari ka xigta magaalada Ceerigaabo

ee xarunta Gobolka Sanaag.
Shilkaa oo ka dhacay meel qiyaastii 7 Km u jirta degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxa kale oo ku dhaawacmay dirawalkii Gaadhiga Wasiirka iyo laba askari oo ka mid ah ilaaladiisa, waxayna warar la xidhiidhaa  sheegayaan in dhaawac kasoo gaadhay dhinaca madaxa, iyadoo xalayba  loo soo qaaday dhinaca magaalada Ceerigaabo, isla markaana la filayo in lasoo gaadhsiiyo magaalada hargeysa saacadaha soo socda.
Wasiirka oo shalay subax ka baxay xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo ayaa  ka hor intii aanu shilkaaa la kulmin waxa uu kormeer ku maray deegaamada bariga fog ee gobolka Sanaag, waxaana socdaalkiisa ku weheliyay Taliyaha ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac Balaf iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qaranka.
Warar la xidhiidha socdaalka ujeedada socdaalka wasiirka ayaa sheegaya inay  weftigu u  socdeen sidii loo qaramayn lahaa ciidan beeleedyada deegaanka degmada Dhahar iyo sidoo  kale sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaalada Nabadgelyada iyo adeegyada bulshada ee deegaanadaa

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *