Garoowe(ANN)Kooxda Budhcad badeeda afduubka u haysatay in ka baddan tobnan maalmood Markabka MTJuba,XX  ee shidaalka u siday shirkadda Red Sea oo ka ganacsata shidaalka Somaliland iyo Puntland  ayaa shuruud la’aan kusii daayay caawa markabkaa. Kadib markii ay ka hawlgaleen oo ay waan waan

 

la galeen Budhcad badeeda  Salaadiinta Somaliland iyo   Odayaasha madax dhaqameedka Puntland  oo ay weheliyeen xubno  ganacsato ah oo ka mid ah shirkadda red Sea.
Sida ay xaqiijyeen warar shebekada Araweelonews ka heshay deeegaanka Baargaal ee lagu haystay markabkaa iyo xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe, waxay Salaadiinta labada dhinac wadahal la galeen hogaamiyayaasha Budhcad badeeda, kuwaas oo caawa ka rogay ciidankii saarnaa, isla markaana Markabka shidaalka siday usoo shiraacday galabta dhinaca magaalada Berbera.
Budhcad badeeda  ka ugaadhsada gaadiidka Biyaha gacanka cadmeed iyo  badweynta India, ayaa afduubay markabkaa 16 july, isagoo shirkadda  Red Sea  u  siday  3500 (sadex kun iyo shan boqol ) oo Tn oo shidaal ah, balse ay kooxda Budhcad badeeda ahi ka Af-duubeen duleedka magaalada Boosaaso.
Koox Salaadiin ka socotay dhinaca Somaliland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Mulkiilayaasha shirkadda ayaa todobaad ka dib u boqoolay dhinaca xarunta Puntland ee Garoowe, si ay wada hadal ergo ah ugu galaan in lasii daayo Markabkaa, iyagoo kaashanaya Odayaasha iyo wax garadka Puntland. Kadibna sidaa lagu soo daayay maanta, iyadoo aan wax shuruud mudax furasho ah lagu xidhin sida ay noo sheegeen warar la xidhiidha markabkaa oo aanu ka helay caawa Deegaanka Baargaal ee fadhiisimada  u ah kooxaha  Budhcad badeeda iyo xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *