DSC00884Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo xalay u hoyday magaalada Gebilay ayaa maanta booqday deegaanka magaalada xuduuda ku taala ee Wajaale, halkaas oo si balaadhan loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu maanta tegin magaalada Wajaale, wuxuu  meel fagaare ah  kala hadlay kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaaladaa  gebilay ku dhaqan.

DSC00974
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu  dadweynaha reer Gabilay uga mahad celiyay codkii aqlabiyadda ahaa ee uu ka helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii. Wuxuuna sheegay inay xukuumad ahaan dedaal u galayaan sidii ay u horumarin lahaayeen adeegyada bulshada ee gobolka Gabilay oo uu maantaba ka amar ku bixiyay in loo sameeyo deegaanka gebilay. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaan dawlada kooban ee uu dhisay aanay ka wada muuqan Karin dhamaan dadkii u soo olaleeyay oo dhami,balse bulshaddu ay codkooda ku bixiyeen inay helaan horumarin iyo adeegyo bulsho. Sidaa awgeed aanay dheg u dhigin dacaayadaha aan loo baahnayn ee dadka danaystayaasha ahi wataaan.

Madaxweyne  Siilaanyo waxa uu sheegay inuu dedaal dheer u galayo sidii Somaliland ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka, balse loo baanayahay in gamcaha lays qabsado oo meel loo wada jeesto. Iyadoo wefdiga madaxweynuhu galabta kusoo laabteen magaalada Hargeysa.

DSC00942

 

DSC01021

 

 

DSC00884
DSC00964

DSC00934

DSC00982

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *