Dr Maxamed CabdullaahiHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Ganacsiga iyo maalgashiga Maxamed Cabdullaahi Cumar oo hore u ahaan

 

jiray wasiirka arrimaha debeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, waxaana xilkaa loo magcaabay Dr. Muuse Qaasim.
Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo u qoraan sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.
Ujeedo:          Xil-ka Qaadis
Ku:      Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,
Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah       
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Magacaabid
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
wuxuu go’aansaday in Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.
Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka mid ahaa wasiirada ugu dhow dhow Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka mid ahaa shirgudoonkii dhowaan hagayay shirweynihii xisbiga Kulmiye oo shaacinta liiska xubnaha golihiisa dhexe iyo gudida fulinta ay ku dhawaaqeen khamiistii todobaadkan xubnihii hogaamniyay shirkaasi, taas oo khilaaf weyn ka dhex abuurtay, isla markaana ay ku ganacsaydheen hogaanka xisbiga Kulmiye oo sheegay shalay mar ay la hadleen saxaafada in aanay aqbalayn oo aanay xaq u lahayn shirgudoonkii shirku inay ku dhawaaqaan liiska golaha dhexe iyo gudida fulinta, waxaana xilka qaadista Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga lala xidhiidhinayaa arrintaa oo uu ka gabaday markii ay ku dhawaaqayeen shirgudoonku liiskaa, isla markaana aanu saxeexin natiijada liisaskaa ee xubnaha kale ee lixda ahaa wada saxeexeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *