Richard OnyonkaNairaobi(Araweelo News Network)Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya   Richard Onyonka ayaa ka dhawaajiyay inay Dawladiisu taageersantahay in Somliland loo Aqoonsado

 

wadan Madaxbanaan, wuxuuna si cad u sheegay in ay  wadamada Midowga Afrika ku dhiirigalinayaan inay si Rasmiya u aqoonsadaan Somaliland.

Tv-ga Caalamiga ah ee PressTv ayaa sii daayay warka la xidhiidha arrintaa, kaas ku jiray warbixin Wariyaha Uga soo warama Press Tv magaalada Naibi usoo gudbiyay.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha debeda Kenya Mr.  Onyonka waxa sidaa ka sheegay mar uu ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Nairobi.

Dhinaca kale Maxamed Saalax oo ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Nairobi ayaa Kulankaa ka sheegay inay Somaliland u qalanto in la citiraafo marka loo eego halka ay marayso Heerka iyo sida ay u buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran doonaya madaxbanaanidiisa, isla markaana ay Somaliland deganaansho iyo nabadgelyo buuxda haysato, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“waxaanu haysanaa Nabad galyo iyo xasilooni Buuxda marka loo eego xaaladda Gobolk Geeska Afrika oo kacsan, taasi waxay  Bulshada Caalamka ku Cadaadis ku saaraynaa Inay Aqoonsadaan Qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Maxamed Saalax.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *