Wasiirka DF arrimaha Guadaha AbdikarimMogadishu(Araweelo News Network)Wasiirka Amniga qaranka ee Somalia Cabdikariim Xasan Guuleed ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Xasan Sheekh. kadib markii weeraro

 

maanta lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Somalia oo ka yimi dhinaca Al-shabaab khasaare dhimasho iyo dhaawac sababeen.
Sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga helay madaxtooyadda Villa Somalia Wasiirka amniga ayaa go’aansaday inuu xilkaa iska casilo kadib markii ay xukuumadda uu ka midka yahay ku guuldaraystay in ay wax ka qabato amaanka caasimada Muqdisho iyo guud ahaanba Somalia.

Wasiirka Amniga Cabdikariim Xasan Guuleed ayaa ahaa xubnaha ugu dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu tilmaamo in ay yihiin kooxda Daamul Jadiid.
Waxaana is casilaadiisu u muuqataa mid ay xuukumadda Xasan Sheekh iskaga gudbay wejigabaxa iyo canaanta kaga imanay beesha Caalamka ee la xidhiidha dhaleecaynta loo soo jeedinayo ee ah in ay waxba ka qaban kari waayeen amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *