Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland C/Risaaq Khaliif, ayaa sheegay in shirkad uu leeyahay ganacsade magaciisu yahay  Cawil Cawl ay kala noqdeen ruqsad ku meel gaadh ah oo ay siiyeen dhawaan si ay u keenaan laba booyadood oo ah shiidaalka

ay isticmaalaan Diyaaradaha Jet 1, kaas  oo gabaabsi ka ahaa magaalada Berbera.
Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska ahna Guddoomiyaha Guddida qaran ee Madaxweyne Axned Siilaanyo u xil saaray maamulka haamaha shiidaalka tan iyo markii dhawaan la buriyay heshiiskii xukuumaddu kula jirtay shirkadii Total waxa uu si cad u sheegay inaanay jirin cid ay ruqsad ku meel gaadh ah u siiyeen keenista shiidaalka diyaaraha.
Wasiirka oo shalay  u waramayay qaar ka mid ah saxaafada waxa uu yidhi,  “Shiidaalka ee diyaaraduhu isticmaalaan ee la yidhaahdo Jet Air 1, waxa uu ahaa gabaabsi ama wuu yaraa in kasta oo ay Haamaha Berbera ku jireen shiidaal ku filan muddo bil ah. Haddana waxaanu dareemaynay inay baahiyi jirto oo loo baahnaa markii Agaasimaha guud ee Ganacsiga,Guddoomiyaha Gudida qandaraasyada qaranka iyo Guddoomiyihii gobolku oo Berbera joogay ila soo xidhiidheen waxaanu u ogolaanay laba shirkadood inay keenaan Afar diyaaradood oo shiidaalka diyaaradaha ee Jer Air1 ah.”
Wasiirku waxa uu ku dooday in shirkadaasi si ka bad badis ku jiro uga faa’iidaysatay qoraal la siiyay waxaanu yidhi,  “Shidaalkaa waxaanu laba booyadood u ogolaanay inay keenaan shirkad ka dhisan magaalada Berbera, labada booyadood ee kalana waxaanu u fasaxnay shirkada aad wada taqaanaan ee Star oo shidaalkana hore u keeni jirtay. labada shirkadood mid ka mid ah ayaa weydiistay Agaasimaha guud iyo Guddoomiyaha Gudidda qandaraasyada inay siiyaan waraaq ku meel gaadh ah oo cadaynaysa inay labadaasi booyadood ee shiidaalka ah keeni karaan iyaguna way u saxeexeen. Runtii arrinta kaliya ee dhacday waxay ahayd inaanay qoraalka ku cadaynin xadigaasi go’an ee ay keeni karaan ee ay tilmaameen in loo ogolaaday inay si ku meel gaadh ah u keeni karaan shiidaalka diyaaraduhu isticmaalaan.shirkadaasi waraaqdii aanu siinay qaab ka duwan kii loo siiyay  ayay u isticmaashay ruqsadii la siiyay waxaanay samaysay xayaysiis aad u badan iyo istiikaro oo ay ka dhigayso in shiidaalkaasi iyada si gaar ah loo siiyay.arrintaasna waxaan cadaynayaa inaanay ahayn wax jira.”
Wasiirku waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo wasiirka ku eedeeyay inuu xaalad abuur ka sameeyay magaalada Berbera, waxaanu hadalkaasi ku sifeeyay mid aan waxba ka bedelayn inay gutaan waajibaadkooda qaran.
Md. C/Risaaq Khaliif waxa uu Xildhibaanka ku sifeeyay mid uu cid shirkad gaar ah u danaynaya oo u doodaya.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Ganacsiga Cabdilaahi Cabdi (Kubado) oo sheegay in shirkadaasi ay si khaldan uga faa’iidaysatay waraaqdii ay u saxeexeen imikana ay kala noqdeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *