Laascaanood(ANN)Ciidammada Ammaanka ayaa  magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, shalay waabarigii guryahooda ka soo qabqabtay oo xabsiga u taxaabay 9 nin oo ka mid ah wadaadada iyo ganacsatada magaalada, kuwaas oo

sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay magaalada Laascaanood ee dhinaca saraakiisha amaanka lagu raad joogay mudooyinkii u danbeeyay. Kadib markii lala xidhiidhiyay kooxaha qaska iyo nabadgelyadarada ka wada deegaankaa.
Waxayna wararka la xidhiidhaa kooxda ay ciidamadu qabteen lala xidhiidhiyay shirqoolada iyo falalka qaraxyada iyo amaan darada ee gobolkaa ka taagnaa labadii sannadood ee u danbeeyay, hawlgalka ay subaxnimadii hore ee shalay ka fuliyeen ciidanka amaanku gudaha magaalada Laascaanood ayaa lagu qabtay 9 qof, balse habeenimadii xalay ayaa la qabtay qof kale, kaas oo tirada dadka la qabtay ka dhigaya 10, iyadoo ay ciidamadu qof walba gurigiisa kasoo qabteen salaadii subax ka dib waabeerigii 1 Jun 2011 ee shalay, isla markaana xalay loo gudbiyay dhinaca magaalada Hargeysa, halkaas oo sida ay tibaaxayaan wararka aanu ka helay saraakiisha amaanku  sheegayaan in baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayo. Ka hor inta aan maxkamad loo gudbin.
Talaabada ciidanka amaanku ku qabteen kooxdaa oo isugu jirta ganacsato iyo wadaado, ayaa kusoo beegantay , iyadoo uu magaalada laascaanood ku sugan yahay wefdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, kaas oo kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaa, sida Odayaasha, waxgaradka, Dhalinayarada iyo haweenka gobolka, kuwaas oo uu kala hadlay xaalada nabadgelyada gobolka iyo sidii horumar loo gaadhsiin lahaa bulshada gobolkaa oo uu sheegay inay xaaladaha nabadgelyo daro ee ka jiraa ku keeneen dib u dhac weyn oo dhinaca amaanka, caafimaadka waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Sidoo kale  Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade waxay  shalay booqdeen fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool iyo goobihii isniintii dagaalku ku dhex maray maleeshiyo huwan ah oo isugu jirtay Puntland iyo kooxda nabad diidka ah ee SSC oo is garabsanayay iyo ciidamada qaranka Somaliland, wuxuuna Mr. Xaabsade ku hambalyeeyay ciidamada qarnka  Somaliland sida    ay gaashaanka ugu daruureen ee ay u  baacsadeen  waxa  uu ku tilmaamay maleeshiyada soo weerartay, isagoo ciidanka gudoonsiiyay Lix  Neef oo Geel ah oo loo qalay shalay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *