Sanca-Yamen (ANN) Madaxweynaha Dalka Yamen  Cali Cabdale  Saalax ayaa dhaawac soo gaadhay kaddib markii madaafiic ay ku soo dhaceen xaruntiisa madaxtooyada oo ay weeraro kusoo qaadeen dagaalyahanka wadaadka diimeed ee hogaaminaya kooxaha qabaa’ilka ee dagaalka ka wada

 

halkaa.Sheekh Saadiq Al-Axmar
Kadib markii Salaadii Jimciha ay isu soo baxeen dad malaayiin qof ah Madaxweynaha  dalka Yemen Ali Abdullah Saleh ayaa wararka qaar sheegayaan inuu dhintay kadib markii madaafiic lagu weeraray dhisme masjid ku yaal qasriga Madaxtooyada oo uu ku tukanayay maanta, isla markaana la sheegay in lagu dhaawacay weerar lagu qaaday dhismihiisa.
Inasta oo ay jiraan warar sheegaya in madaxwyenaha uu soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo dhowr ka tirsan saraakiisha dawladdiisa iyagana la dhaawacay, kuwaas oo qaarkood dhaawacoodu uu halis yahay, balse isaga lagu dawaynayo cusbitaal ku yaal dalka. laakiin markii ay suurta geli weyday balanqaadkii ay saraakiisha dawladu sheegeen in Madaxweyne Cabdale Saalax la hadlayo dadka oo uu shir-jaarid qaban doono saacadaha soo socda ayay soo baxeen warar kale oo sheegaya inuu dhintay, kuwaas oo aan ilaa hada la xaqiijin Karin, balse cajalad laga soo duubay cod la sheegay inuu yahay kii madaxweynaha ayaa caawa laga sii daayay telefishanka, kaas oo lagu sheegay inuu dhaawac soo gaadhay isla markaana ay goobtaa ku dhinten saraakiil sare oo katirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa khaaska ah, iyadoo uu ku jiro masuuliyiinta halkaa ku dhawacmay gudoomiyihii baarlamaanka yamen.
Dagaallada ka socda magaalada Sanca ee u dhexeeya dawladda iyo hoggamaiye beeleedka Sheikh Sadeq al-Ahmar ayaa sii xoogaystay. Dagaalladan ayaa sidoo kale ku fiday xaafaddo kale oo ka tirsan magaalada Sanca oo ah caasimada Yemen, iyadoo boqolaal qof ku dhinteen kumanaan kalena ku dhaawcmeen dagaaladii iyo rabshadihii bilihii u danbeeyay ka socday dalka yamen. Mudaharaadayaasha yamen ayaa xalay u balamay maalinta Jimcaha oo ugu magac dareen jimcihii dhimashada.
Wixii kasoo kordha wararka dalka Yamen iyo xaalada Madaxweyne Cali Cabdale Saalax kala soco Araweelonews.
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *