Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada  Gancsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland C/Risaaq Khaliif Axmed, ayaa ka hadlay qorsheyaashiisa wax qabad ee uu doonayo inuu ku hawl galo iyo qaabka uu duunayo in laysugu soo raro qaybaha

 dhismayaasha ee wasaaradiisu ku qaybsan tahay oo sida uu sheegay yeelanaya hal Agaasime.
 
Sidoo kale Wasiirka Ganacsigu wuxuu sheegay inay suuqa ugu weyn ee ay danaynayaan in Wax-soosaarka dalka loo dhoofiyaa uu yahay dalka Somaliland la dariska ah ee Itoobiya, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah Saxaafada, isagoo  ugu horrayn ka hadlay qaab  dhismeedka Wasaaradiisa isagoo  yidhi “Qaab dhismeedka Wasaaradani waxay isugu jirtaa sadex qeybood Wasaaradii Ganacsiga, Wasaaradii Wershadaha iyo Waax ka mid ah Wasaaraddii Dalxiiska illaa imika sidoodii uun bay u shaqaynayaan laakiin waxaanu rajaynaynaa in dhawaan la mideeyo Wasaarada oo ay yeelato hal Agaasime Guud oo Madaxweynuhu soo magacaabo markaasi Anaguna  waxay noqonaysaa inaanu waaxihii Wasaarada habayno oo marka hore laga dhigo sadex waaxood oo waaweyni.”
 
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiisku oo la weydiiyay khatarta caafimaad ee ay warshaduhu ku hayaan dadka iyo duunyada oo horena cabashooyin badani uga taagnaayeen  waxaanu yidhi “Runtii waad ogtihiin  Anagu hawsha waanu ku cusub nahay way jiraan meelo cabasho naga soo gaadhay waayo  dadka ganacsatada ahi waxay marka hore hawshooda u qabsan jireen si iskood ah oo iyagaa meesha ay wax ka furanayaan sahansan jiray dawladuna ruqsadda uun bay siin jirtay arrintaasi ayay dhibaatada qaarkood ka iman jirtay.waxaan isku dayi doonaa mudada aan xafiiska joogo inaanu wax ka qabano wixii cabasho ah ee ka yimaadda arrintaas warshadaha iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku yeelan karaan.mudadii aan xafiiskan joogay waxa kaliya oo laga soo cawday warshada Hargaha ee ku taalla Dacar-budhuq.cabashadaasi way soo noqnoqnaysaa markaa daraasad ayaanu ku wadnaa.”
 
“Imika waxaanu  bilownay inaanu xoojino ururkii warshadlayda, oo uu noqdo urur taagan oo awood leh oo shaqaynayana cid aan ururkaasi ka mid ahaynina aanay Wasaarada xidhiidh la soo yeelan karin, arrintaasi ayay ka dhalanaysaa inaanu kaantaroolo dhibaatada iyo saamaynta caafimaad ee warshaduhu ku yeelan karaan bulshada,”ayuu yidhi Mr. C/Risaaq Khaliif.
 
Wasiirka Ganacsiga oo la weydiiyay in Wasaaradiisu ay suuq raadin dibadeed u samayso waxsoosaarka dalka waxaanu yidhi “Wasaarada waan ku cusubahay hadalkaygii maalintii Baarlaanka horjoogayna waxaan ku daray  in la raadiyo maalgelin si shaqo loo abuuro  iyo ta labaad oo ah inaanu dhiiri gelino  waxsoosaarkeena  wadaniga ah. Wax soosaarka wadaniga ah waxa lagu dhiiri geliyaa siyaabo badan waxa ka mid ah in albaabta ay la soo degayaan laga dhigo cashuur dhaaf.waxa kale oo aanu doonaynaa in suuq loo raadiyo.”
 
 “Suuqa aanu aadka u danaynayno waxa ka mid ah dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya oo runtii isaguna wax ina soo galiya, anigana wax inaga gala oo caddi aanu jirin, barnaamijkaasi waanu isla garanay Wasiirka Maaliyada inaanu xidhiidh la sameyno xafiiska Ganacsiga ee Itoobiya Somaliland uga furan ka dibna aanu la xidhiidhno dawlada kililka ka dibna dawladii dhexe ee Itoobiya. Iyaguna baahi badan ayay u qabaan wax-soosaarkeena,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu, isagoo xusay in waxyaabaha Somaliland Itoobiya u dhoofin karto ay ka mid yihiin Kalluunka iyo Saabuunta oo kale.
 
Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay  in wershadii Sibidhka Berbera oo burbursan, isla markaana daraasad hore loogu sameeyay lagu ogaaday  in dib u furisteeda ay ka fududahay in wershad cusub la furro. Sidaa awgeed arrintaana ay xukuumadu ka hawlgelay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *