images/stories/askari wiil yar oo  tahriibayaasha ka mid ah ku taagan.jpg Hargeysa(ANN) Ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro kor u dhaafeysa 37 ruux oo isugu jira  Soomaali iyo Ethiopian, kuwaas  oo doonayay inay dalkaa uga sii  gudbaan dhinaca dalka South Africa,  waxayna ciidamadu ku qabteen dhalinayaradaa  kadib howlgalo ay ka sameeyeen xadka wadanka Zambia, kuwaas  oo ay u taxaabeen  xabsiyada dalkaa.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa sheegay in dadka dhalinayarada ah ee ay qabteen  30 ka mid ah yihiin dhalinyaro Soomaali ah,  halka 7-da kalena ay u kala dhasheen Wadamada Erirea iyo Ethiopia, kuwaas oo uu sheegay inay baadhitaano ku samaynayaan sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka qaarkood.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ee Zambia waxay  gacanta ku dhigeen  ganacsato Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inay dhalinyaro Soomaali iyo Ethiopian ah u kala gudbinayeen wadamada Zambia iyo Koonfur Afrika, waxaana dadkaa ganacsatada ah  xabsiyada Magaalada Lusaka ee dallka Zambia.

Ciidamada Booliska ee dalka Zambia oo mudooyinkii u dambeeyay heegan buuxa la galiyay wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalada kampala ee Xarunta wadanka Uganda, waxay wadeen baadhitaano dheeraad ah iyo inay indho gaara ku eegaan dadka Soomaalida ah. Maadaama  ay inta badan halkaa maraan dhalinyaro doonay inay usii gudbaan dhinaca Koonfur Afrika oo ay ku galaan socod tahriib lug ah, balse wixii ka danbeeyay qaraxyadii dhowaan ka dhacay Kanbala waxa soo waajahay tahriibayaasha dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada iyo bulshada wadamada ay sii maraan.

iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo mudooyinkii u danbeeyay lagu xidhay xabsiyada dalalka Zambia, Yugandha, Zimbabwe Mozambique, Botswana iyo meelo kale, kuwaas oo ciidamada kala kulama jid dil garaacis oo mararka qaar si xus ay ciidamadu u garaacaan, waxaana inta badan la qabtaa dhalinyaradaa iyagoo doonayay inay u tahriibaan dhinaca dalka South Afrika ee ay wadamadaa usii maraan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *