Warbixin – Wargeyska Sharqul Awsad – Q: 2aad
Taariikh ahaan haddaan dib ugu noqono aas-aaskii xarakata Alshabaab Al-Mujaahidiin, wuxuu ku beegnaa dabayaaqadii 1990-maadkii, iyada oo ka mid ahayd kooxihii ka farcamay ama ka dilaacay ururkii AL-Itixaad AL-Islaami oo ahaa ururka keli ah ee aaminsan Caqiiqdada Salafiyadda,

isla markaana wuxuu ahaa ururka keli ah ee Islaamiga ah ee hubka qaatay ka dib markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Somalia January 1991-kii, sababta uu u kala jajabay ururkaasi waxay ahayd markii ay hogaamiyayaashoodii goosteen inay hubka iska dhigaan oo ay ka mid noqdaan bulshada rayidka ah, taasi o oka dhalatay markii uu ururku galay dhawr dagaal oo uu ku khasaaray, kuwaasi oo ka dhacay qaybo ka mid ah Somalia intii u dhaxaysay 1991-kii 1998-kii. Laakiin hogaamiyayaashii dhalinyarada ahaa eek u jiray ururkaasi ItIxaad AL-Islaami oo ay qaarkood ka soo noqdeen dalka Afganistan oo ay ka soo dagaalameen ayaa diiday go’aanka hubka lagu dhigay, waxaanay sameeyeen urur u gaar ah oo ay u bixiyeen ALshabaab AL-Mujaahidiin), ka dib talaabadaasi hogaamiyayaashii kooxdaasi waxa laga saaray ururkii AL-Itixaad AL-Islaami, taasina waxay keentay inay gaarkooda isku taagaan oo ay is-abaabulaan, hase yeeshee dhaq-dhaqaaqa ururkaasi lama dareemin sannadihii hore oo waxay ku koobnaayeen tababaro iyo is-urursi manay gelin wax dagaal ah oo muuqda, .
Soo shaac baxa ururkani waxa uu yimid markii ay soo shaac baxeen xukunkii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia, 2005-dii, waxaanay ururku noqdo mid ka mid ah isbahaysiyadii ay ka koobnaayeen daladii maxkamaduhu. Waxaanay qabteen hogaamiyayaashii ururku xilalkii ugu muhiimsanaa ee maxkamadaha Islaamiga ah, laakiin haddana ururka ALshabaab wuxuu ka go’ay isbahaysigii maxkamadaha Islaamiga ah sannadkii 2007-dii, markii la aas-aasay isbahaysigii dib u xoreynta Somalia ee uu hogaaminayay Sheekh SHariif Sheekh Axmed oo haatan ah Madaxweynaha Somalia, ka horna ahaa hogaamiyihii maxkamdihii Islaamiga ahaa ee Somalia, sababta oo ugu weyn ee ururka Alshabaab uga go’ay maxkamaduhuna waxay ahayd markii uu ururkii dib u xoreynta Somalia ku baaqay in wada hadal lala yeesho dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Somalia, wada hadaladaasi oo ay gadh-wadeen ka ahayd Qaramada midoobay (QM).
Ka dib dawladda Maraykanka ayaa ku dartay ururkaasi kooxaha argagixisada bishii February 2008-dii, iyada oo ku eedaysay inay xidhiidh la leedahay ururka AL-Qaacida, isla April sannadkan waxay dawladda Maraykanku ku soo rogtay cuna qabatayn dhaqaale toban ka mid ah hogaamiyayaasha ururka Al-shabaab, markaasi oo ay u adkaysan weyday dawladda maraykanku dagaalka qadhaadh ee ururkaasi ka wado Muqdisho, iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay hogaamiyayaasha magaca leh ee ururkaasi kuwaasi oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha ururkaasi Mukhtaar AL-Subayr, hogaamiyaha mucaskarkii Raas-Kambooni, Sheekh Xasan Turki, labadaasi oo uu sidoo kale ku daray liiska shakhsiyaadka uu Maraykanku raadinayo, go’aankana wuxuu Maraykanku uga jeeday in go’doomin lagu rido dhinaca dhaqaalaha ah lagu rogo ururkaasi iyo hogaamiyayaashiisa.
La soco…..

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *