images/stories/zs.jpg    Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo kaga  maqnaa dalka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka hadlaay xidhiidhka labada dal ee Etoopiya iyo somaliland iyo sidoo kale kulamadii uu la yeeshay madaxda Etoopiya.

 

 Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo galinkii dambe ee maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixiyay safarkiisa, isagoo sheegay inuu safar ku soo maray wadamada UK iyo Itoobiya, labadaa dalna masuuliyiinta uu kala kulmay uu kala sheekeystay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo wadamadaa, isla markaana looga dhaadhicin lahaa qadiyada madaxbanaanida Somaliland aduunka iyo saaxiibada dalalkaa.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya aad iyo aad u wanaagsan yahay, sidaa awgeed  ay labada dal iska kaashanayaan arrimaha khuseeya amaanka guud ee mandaqada geeska Afrika, isagoo  tilmaamay in Somaliland kusoo kordhisay mandaqada nabad iyo dumuqraadiyad xor ah.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha debeda  Somaliland waxa kale oo uu iftiimiyay sida beesha caalamku u soo dhawaysay doorashadii sida nabadgalyada ah dalka uga dhacday, taas oo si  wanaagsana xilka loo kala tirsaday.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlaya xiligan dawlada cusub iyo  dublamaasiyadda Somaliland ee arimaha dibada waxa uu sheegay inay  waqtigan marayso meel fiican.
Shirka jaraa’id ee wasiirku qabtay waxa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas.
Dhinaca kale Dawladda Itoobiya ayaa si rasmiya u cadaysay inay casuumad u fidisay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) sidaana waxaa lagu sheegay war murtiyadeed ay soo wada sareen Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar iyo Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu,  “Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaaliland Dr. Maxaamed Abdillahi Cumar ayaa malintii labaad kulan khaasa la yeeshay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tekeda Alemu, kulankaas waxaa si qoto dheer loogu lafa guray xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal Itoobiya iyo Somaliland iyada oo si gaara looga wada hadlay arrimo la xidhiidha nabad gelyada, Ganacsiga isgaadhsiinta iyo guud ahaan iskaashiga labada waddan.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *