Caddami1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Gashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay xaaladda xisbiga talada haye ee KULMIYE, wuuxuna meesha saaray  in

 

uu  jiro khilaaf isaga iyo xisbiga KULMIYE ka dhex jira.

Mr. Caddami oo warbaahinta la hadlay saaka wuxuu sidoo kale xusay in aannu ilaa hadda helin warqad loogu magacaabay guddoomiyaha shirguddoonka xisbiga. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in loo magacaabay Guddoomiyaha Shirweynaha saddexaad ee xisbigaas oo maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa la qabanayo.

“Weli waa hordhac arrinkaasu, warar aan helayna ma jiraan, guddoomiyenimadaasna waad ii saadaalinaysaa oo khayr soo socda weeye. Weli warqad aan helay oo la ii dhiibay ma jirto, laakiin waa wax berri iyo saadambaba shaaca u soo bixi oo iman doona,” ayuu yidhi.

Hase yeeshee Mr. Caddami waxa uu  tibaaxay in mabda’a guud ee xisbiga KULMIYE laga midaysan yahay, balse muranka iyo khilaafyada la sheegayaa yihiin doodo ku salaysan hannaan dumoqraadi ah, isagoo yidhi, “Ninka dhinac loo raaco la waayey waa ninka doqonka ah, KULMIYE xagga doqonimada laguma ogayn, xagga wadahadalkana dood baa la hayaa, dumuqraadiyadaana  bannaynaysa, waxaana dumuqraadiyad loo yidhi ka ra’yi gaabka ah iyo ka xikmada leh mid walba inuu intiisa la shir yimaado, dabadeedna dul-qaadkii lagu dhegaysan lahaa la helo, aakhirkana xalkii la gaadho, intaasay dadku fahmi waayaan, waxaanay moodaan in aannu is-hayno oo la is cidhib tiray oo dagaalkii u dambeeyey ee adduunku meesha ka socdo, dhibaatana ma jirto, dadkuna waa walaalaysan yahay, waana ka midaysan yahay xagga xisbiga,  laakiin wax dhibaato ah ma jiraan. Xisbiga KULMIYE waa walaalo, waana ka midaysan yahay.  Xagga xisbiga KULMIYE shirka qabashadiisa isku shaqaba maaha, waxan oo dhami waxa ay leeyihii waddooyin la raaco, waxaana uu leeyaha shirka KULMIYE maalinta loo qorsheeyo oo dhan, laakiin xisbiga KULMIYE waa xisbi ay dhexediisa ka hanno-qaaday waxa la yidhaa isku tanaasul, qofna qof ma haysto, laakiin waxaannu ka midaysan nahay KULMIYE-nimada.”

Waxa kale Wasiir Caddami ka hadlay xaalada Degmada Taleex oo uu sheegay  in ay gacanta ku hayaan shacabkii ku dhaqnaa ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Taleex iyo Puntland waa laba kala nooc ah, Taleex-na waa kuwii galay ciidanka qaranka Somaliland, haddana waa la joogaa waxaana jooga qaar ka tirsan muwaadiniinta reer Somaliland.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *