Berbera Madaxweyne Silanyo

Berbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dadweynaha Magaalada Berbera kala qaybgalay maanta Salaad Roob-doon ah oo shacbiga Somaliland isugu soo baxeen maanta

 

barqadii magaalooyinka dalka oo dhan. Kadib markii todobaadkan la iclaamiyay.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadal duco ah u jeediyey dadweynaha uu magaalada Berbera kula tukaday salaadda Roob-doonta ah, ayaa sheegay in miyi iyo magaalaba roob la’aanta la dareemay, waxaannu yidhi; “Walaalayaal, waxaynu leenahay dad badan oo xoolo dhaqato ah iyo beeralay ah, waxaan Ilaahay uga baryanaa inuu roob inoo shubo, mar walbana u baahan roob mid khayr qaba, waxaan alle ka baryaynaa inuu ducadeena inaga aqblo dhammaanteen, waxaynu nahay dad xoolo dhaqato ah oo roobka baahi weyn u qaba.”

Sidoo kalena Culimada Magaalada Berbera ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbado diini ah oo ay kaga hadlayeen in lasasaamaxo iyo illaahay loo toobadkeeno culimadaasi oo ay kamid ahaayeen Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo Sheekh Muuse Abyan oo ka waramay doorka diinteena ee in la tukado salaada Roob-doonta ah ee illaahay lagaga baryayo roobka iyo naxariistiisa maadaama dalka abaaro ka jiraan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna dadweynaha kula tukaday salaadda Roob-doonta garoonka kubadda cagta 31-ka May ee xaafadda Jigjiga-yar, ayaa kula dardaarmay shacbiga reer Somaliland in ay is cafiyaan si uu Alle inoogu naxariisto.

Wuxuuna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland yidhi, “Kulaylka iyo roob la’aanta ina haysa waad wada dareensantihiin bal maanta meel kale waraysigeedu ha kuu dambeeyee Hargeysada aynu joogno ee caasimada Somaliland Kulayka iyo dhibta ina wadahaysa aad wada dareensantihiin, waxa la innooga baahan yahay in aynu is cafino oo caloosheena wanaajino, in xasadka iyo xumaanta ninba ninka kale uu jiidanaayo ee maanta ninkiiba walaalkii waxa wanaagsan u ogalaan la’yahay inaan iska dhaafno, dadku markay isku uur-fayoobaadaan ayaa iyagana Ilaahay u naxariistaa, Ilaahay waxa uu yidhi ‘waxaan ummadda ku arsaaqaa niyadooda, haddii niyadoodu wada wanaagsanaato Ilaahay arsaaqadana waa uu inoo kordhini cirka iyo dhulkana barkhadiisa wuu ina siinayaa.”

Sidoo kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isna khudbad qiiro leh u jeediyey boqolaal dadweyne ah oo uu ku tukiyey garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, isagoo yidhi,  “Maanta waxa aynu walaalayaal isagu soo baxnay in aynu Ilaahay barino sunnihii Nabi Maxamed-na aan raacno maanta oo kale ama xilligan oo kale marka uu roobku raago, waxa Nabi Muxamed (SCW) inoo jideeyey inaynu isu soo baxno oo salaad Roob-doon la yidhaahdo tukanno. Ilaahay subxaanahu wata caalaa col inalama aha ee waaba uu ina abuurtay Raxmaan buu yahay, waa uu naxariis badan yahay, Illaahay waxa uu doonayaa uun in aynu dariiqii uu inoo jeexay marno,” ayuu yidhi Wasiirka Diintu Sheekh Khaliil.
Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta sidan oo kale laga oogay salad-roob doon ah, taas oo ujeedadeedu ahayd in Illaahay lagu baryo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *