Xasan Sheekh MaxamuudMogadishu(Araweelo News Network)Madaxweynaha Dawlada taagtadaran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa qiray in hay’addaha ammaanka ee xukuumaddiisu ku fashilmeen  wax ka qabashada

 

falalka amni-darro ee sii kordhaya oo ka dhacaya caasimadda Muqdisho iyo gobolada kale ee Soomaaliya.

Sidaana waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay hadal uu  ka jeediyey xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia habeenkii Khamiista, waxa uu hoggaanka hay’adaha ammaanka ku eedeeyey inay ku guul dareysteen wax ka qabashada nabadgelyada guud ee dalka Soomaaliya oo faraha kasii baxaysa iyo ka hortaga falalka iyo weerarada Al-shabaab ee sii kordhaya.

“Ma fududa in dowlad laga dhisay dal 20 sanno ka badan burbur ku soo jiray in degdeg loo xoojiyo hay’addiisa ammaanka, dadku ha dul-qaateen, hay’addaha ammaanka dalka weli kuma filna inay sidii la rabay u shaqeeyaan, sababo badan ayaa jira,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhismaha iyo sugida ammaanka Soomaaliya dul socdo dariiq qodxo badan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Dowladda way kufaa- kacaysaa, amniga in la sugo maalin laguma gaadhi karo, waddada aan ku socono way qodxo badan tahay, ma odhaynayno maxay u qodxo badan tahay, sababtoo ah rubac qarni dalkan dowlad kama jirin, nidaam fowdo ah ayaa lagu noolaa.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh, wuxuuna dhawaaqiisu kusoo beegmay xili xukuumadda Somalia loogu baaqay inay si dhab ah ugu dhiirato sidii dib-u-habayn ballaadhan loogu samayn lahaa hay’addaha ammaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale dhawaaqa Madaxweynaha Somalia ayaa soo baxay maalmo ka dib markii Qaramada midoobay shaacisay in ay saraakiisha Hay’addeheeda gargaarka kala baxay Somalia, iyadoo Ergyagga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nikolas Kay, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maalmihii u danbeeyay ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dilalka iyo ammaan-darrada ka cusboonaatay Muqdisho iyo deegaamo kale oo Somalia ka tirsan.

“Waxaan ka walaacsanahay weerarka ka soo cusboonaaday beryahan Muqdisho. Waxaa naga go’an in aan sii wadno taageeridda aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladooduba, maadaama ay ugu howl jiraan xaqiijinta rabitaankooda iyo kan dadkooduba, taas oo ku aadan sidii ay ku gaadhi lahaayeen mustaqbal ay ku dheehantahay xasilooni iyo degenaasho,” ayuu yidhi Nicholas Kay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *