Washington(ANN)Warbixin si qota dheer uga hadlaysa dagaalada maamulka Puntland iyo Malayshiyada Buuraleyda woqooyi Bari  iyo loolanka ka jira gudaha Punland ee dhinaca Beelaha oo ay  diyaarisey wariyaha idaacada VOA-da ee  Nairobi Alisha Ryu oo kusoo baxdey Bogga VOA

 ee afka Ingiriisida  ayaa  dawlada maraykanka uga digtay taageerada ay siiso maamulka Puntland ee dhinaca la dagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisada, taas oo sida lagu sheegay warbixinta horseedi karta khatar soo food saartaa gobolka.
Warbixintaa digniinta xanbaarsan  oo lagu wareystey Madaxda hay’adda Cilmi baadhista  ee dalka  Norway, isla markaana xanbaarsan  xogo dheeraad ah oo laga diyaariyey waxyaabaha salka u ah, ama   ay ku qotomaan dagaalada sii daba dheeraanaya  ee ka socdo Puntland ayaa lagu daahfuray. Dagaaladaa   oo u dhexeeya Maamulka Puntland iyo malayshiyada ka dagaalanta Buuraleyda dhul Beereedka ee Gal-gala ee uu Hogaamiyo  wadaadka Sheikh Maxamed Siciid Atom.
Qoraalka Warbixinta oo lagu baahiyay Bogga internetka ee Idaacada codka Maraykanka ee VOAda qeeybteeda Afka ingiriisida oo aanu idiin soo turjunay  ayaa u qornayd sidan;-
 
“Dawladda Maraykanku waxey sheegtey in ay qorshaneyso xoojinta cilaaqaad wanaagsan oo ay la yeelato labada maamul goboleed ee iskood isku magacaabey ee Puntland iyo Somaliland, isku daygaas oo lagu doonayo soo celinta xasilloonida koonfurta Soomaliya iyo xakameynta  faafitaanka xawliga ku socda ee kooxaha mayalka adag ee awoodda ku leh Koonfurta Somaliya.
Qeybo kamid ah dadka dhiraandhiriya arrimaha siyaasadeed waxey leeyihiin:  iyadoo tilaabadaasi jirto  ayaa hadana  laga yaabaa in shaqaaqadu sii badato,  isla markaana  ay wiiqanto xasiloonida iyo nabadgeliyada Puntland ee iminka faraha kasii baxysa.
Dhamaadkii bishii July 2010,  ayaa ciidanka Puntland bilaabeen iney foodda is daraan  kooxaha daacadda u ah hogaamiye kooxeedka Islaamiga ah ee  Maxamed Siciid Attom, oo saldhigyo kuleh Buuraha fog ee Sanaag Barri ee Duleedka Boosaaso ee waqooyiga Somaliya.
Madaxweyna faroolaha Puntland  ayaa sheegay in weerarada ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Attom daacadda u ah ay uga gol-lahaayeen howl-gal lagula dagaallamayo waxa uu ugu yeerey aragagixisada Puntland  oo  xidhiidh la leh Alqaacida waa siduu hadalka u u dhigaye.
Sidoo kale Maamulka Puntland waxey ku xidhiidhinayaan in kooxaha  Maxamed Siciid Attom hogaamiyo  ay ka danbeeyaan howlgallo nabadgeliyo darro oo isugu jira : qafaalasho , qaraxyo iyo  shirqoollo ay maleegayeen tan iyo 2008dii .
Bishii March , Kooxda UN-ka ee kormeerka Cunaqabteynta hubka Soomaaliya waxey sheegeen in la aaminsyahey in Attom uu kamid ahaa  kuwa usoo  waarida hubka iyo rasaasta kooxda Alshabab ee lagu xidhiidhiyo Alqaacida  ee  gacanta ku haya  gobollo badan oo  ka mid ah   koonfurta Somaliya .  Isla bil kadib waxa Hantidhowrka Marekeynku xannibey Hantida Atom iyo ugu yaraan dhowr iyo toban qof oo kale hantidooda,  kuwaas  oo looga shakisanyahay  inay ka mid yihiiin kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya
In kastoo Hogaamiyayasha Beesha Warsangeli ee ku abtirsada beel weynta  Daarood , waxey sheegeen in xurgufta iyo khilaafka Waqooyiga Somaliya ka socda aaney gabi ahaanba ku saabsaneyn arrimo argagaxiso , balse waxey farta ku godayaan in arrintasi ku lug leedahey sedbursiga siyaasadeed ee qayaxan iyo dhaqaale Urursiga baahsan iyo weliba jajuubka beesha Majeerteen  ay xukunka Puntland ku heysato , halka beesha warsangeli ay gebi ahaanba katahey banaanka kana soo horjeeddo habdhaqanka maamulka Puntland  laga soo bilaabo  1998di oo aheyd  markii dhidibadda loo aasey Ismaamul goboleedka Puntland  .
Kormeere lagu magacaabo  Stig Jarle Hansen oo katirsan Machadka Cilmibaarista Norway ee loo yaqaan (the Norwegian Institute for Urban and Regional Research in Oslo), wuxuu sheegey Haddii dowladda USA Qorsheyneyso  iney Puntland ka taageerto la dagaallanka Atom waxey Dowlladda maraykanku  u baahantahey in ey ka fiirsato xaaladdaasi si digtooni lehna waa inay u maareysaa howshaas.
Isagoo sii wata hadalkiisa Mr Hansen wuxuu yidhi : “  Khatartu waxa ay tahay sida aad u awoodeyso in aad Beesha Warsangeli Cabudhisid Si Qoto dheer.  Ama waxa dhici karta in aad beesha warsangeli u sahashid inay isu abaabulaan garabna siiyaan kooxda Alshabaab , Arrinkaasina waxa uu  suurta gelinayaa  sida ay saadaasha mareykanku  u rumoobi karto isagoo adeegsanaya falka ku haboon.
Hogaaminta Maamulka Puntland waxey keliya oo gacanta ugu jirtaa Beesha Majeerteen ee Daarood, iyadoo had iyo jeerna Beesha Majeerteen ku amar taagleeyso xukunka Puntland , ayaa haddana waxa jirtey waqti dheer in Loollan dhanka awoodda ahi uu u  dheexeeyey labadan beelood ee Majeerteen iyo Warsangeli , kuwaas oo isku haysta Gacan ku heynta  Magaalada isku xidha Ganacsiga Puntland  ee Boosaaso,  taas oo ah Halbowlaha  iyo isha dhaqaalaha Gobollada  Puntland .   
Xurgufta Puntland ka taagan ee u dhaxeeysa Labadaa  Beelood ee Walaalaha ah waxay kululaatey oo cirka isku sii shareertey kadib markii ay foodda is dareen , halkaasina ay ka dhaceen iska hor imaadyo dhiig ku daadtey oo soo jiitamayey tan  iyo 2006 dii , markaasi oo  maaleeshiyo Beeleedka Ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah ee  daacadda u ah Maxamed Siciid Atom ka hor istaageen deegankooda in laga baarto Macdan , isla markaasna ay isku faro saareen Maleeshiyada Atom ee Warsangeli  iyo cutobyo ka tirsan ciidanka  Puntland oo horkacaya shirkad laga leeyahey dalkaasi Australiya oo Puntland heshiis kula gashey in dhulkaasi ay macdan ka baarto  , halkaasi oo Dadka deeganka Sanaag iyo Galbeedka Bari ee Qaniga ku ah Macdantu ay diideen in lagacan togaaleeyo dhulkooda  wax macdan ahna laga baari karin  deegaankooda iyagoo diidanaa in loo gacan dhaafo deegankooda . Beesha Warsangeli waxey ku doodeysaa in aan  heeshiis cidna lagula geli karin in dhulkooda la baarto maadaama aan  wax ogolansho ah laga heysan Beesha.
Sannadahan u danbeeyey Beesha warsangeli iyo beelo kale oo ka tirsan Daarood ee degan Puntland waxey gebi ahaanba eedeyn kala horyimaadeen , Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIS) . Taasoo ah hay’ad  Mukhaabaraad oo la  yagleeley 2001 si loogula dagaallamo waxa loogu yeero Argagixisada , taasi oo dhaqaale farobadan ka hesha Xukuumadda Maraykanka . iyadoo la ogsoonyahey in Hay’adaasi ay gacanta ku hayaan beesha Majeerten oo ay ka helaan awood dhaqaale iyo cudud ciidan oo ay dadka kale ugu cagajugleeyaan , halka lagu eedaynayo in Hay’addasi u suurta gelisey beel iney si gaar ah u naas nuujiso , oo dhiiga dadka kale ay uga macaashaan.
Kormeerayasha Xaaladda Somaliya waxey uga digayaan Dowladda Maraykanka in aanay Maamulka puntland kala qeybqaadan arrimahaasi ay ku lugleedahey iyo waliba si ka fiirsasho gaaban oo lagu deg dego, gaar ahaan arrinka la xiriira la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada , iyadoo keeni karta isku dhacyo beeleed oo aan loo dan laheyn.
Waxeyna intaas warbixintu ku dartey  in khilaafaadkaasi iyo isku dhacyadaasi ay ka faa’ iideysan karaan  kooxda alshabab isla mar ahaantana ugu fidiyaan awoodooda iyo saameyntoodaba meelaha fog fog ee Waqooyiga Somaliya.

Xusuus maamulka shebekada arweelonews wuxuu akhristayaashiisa  uu sharta iyo ixtiraamka  badan u hayo xusuusinayaa inay tahay markii ugu horaysay ee lagu daabacay magacyo qabiil warbixin ama qoraal. sidaa awgeed taa macneheedu maaha inaanu ka leexanay   ujeedada  balanqaadkii iyo hadafkayagii, balse sababo badan ayaa noo saamixi waayay inaanu qoraalka warbixinta ka saarno magacyada meelaha beelaha ay ku tilmaamay, iyadoo wrbixintu tahay mid idaacada VOA lagu baahiyay qaybteeda luqadaIngiriisida. sidaa awgeed waxaanu ka raali gelinaynaa akhristayaasha haddii ay dhib u arkeen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380
. HALKAN RIIX WARBIXINTII VOA

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *