Hargeysa(ANN)Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay qodobo uu sheegay in xal nabadeed lagu gaadhi karo oo ay la gaadheen Weftigii uu Hoggaaminayay Saleebaan Xaglo-toosiye, kuwaas  oo ay ka mid yihiin in ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay

 

Sool joogto dib looga soo qaado Aagaasi iyo in la sii daayo maxaabiistii kooxaha nabad diidka ah lagaga qabtay dagaaladii ka dhacay jiidaa.
“Waxaanu ku faraxsan nahay in wada hadaladan maalmahan socday waa mid mugle oo maalmahan laga shaqaynayey oo nasiib wanaag hadda hirgalay oo bilowgiisii si fiican u bilaabmay weeyaan.Waayo wax kastaaba ififaalo ayay leeyihiin colaadunna ififaallo ayay leedahay nabadunna ififaalo ayay leedahay, waxaan maanta muuqda ififaalihii nabadda ayaa bilaabmay,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhiga oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumaddu ay aqbashay in ciidanka qaranka ee ku sugan Sool joogto dib loo soo qaado, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Weftigii Buuhoodle ka yimi ee tiradda badnaa oo ay hoggaaminayeen madax-dhaqameedka iyo siyaasiggooda. Dabadeedna si fiican ayaa wixii ay la yimaadeen oo nabad lagu gaadhi karo iyadda oo aan la sii jiid-jiidin waa la isku ogaaladay, waanna labadii qodob ee nabadda ee in badan la odhan jiray iyaga ayaa hortaagan oo waatii soo qaadista ciidanka ee Sool-joogto laga soo qaado oo la keenno aagga sowkee ee ilaa iyo Qori-lugud loo soo qaado waa qodob xaasaasiya oo laga heshiiyey weeyaan.”
“Waxa kale oo isagunna muhiim ah dadkii lagu qabtay xilligii dagaalku dhacay oo iyagunna markaa gacanta lagu hayo oo jeelasha ku jira iyagana waa la ogolaaday sii dayntooda oo \wixii farsamo ahna dawladda Somaliland ayaa dhammaynaysa,”ayuu yidhi Axmed X. Cali Cadami.
Wasiirka Gaashaandhiga Cadami  wuxuu sheegay in Ciidanka qaranka dib looga soo qaadayo jiidoodii hore ee sool-Joogto maalinta Axadda ee bari ah, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Wax la dadajiyo nabad-baa ugu fiican. Runta markaan kuu sheego soo qaaditaanka iyo farsamadda iyo sida meesha looga soo guurayo nidaam milateri  ayay iska leedahay oo hawshii ayaa la guddo galayaa oo la waddaa mooyaane hawl galka kasoo dhamaatay ma jirto, laakiin Axadda ayaa loo qabtay in la soo qaado ciidaanka.”
Wasiirka Gaashaan-dhiga oo la weydiiyay waxa Somaliland ku bedelanayso heshiiskan ay la gashay Saleebaan Xaglo Toosiye waxa uu ku jawaabay “Haddii nalagu ammaanayo iyo haddii kaleba waxaanu ku bedelanay Nabad.”
Dhinaca kale Saleebaan Xagla-toosiye iyo wefdiga uu hogaaminayay ee reer Buuhoodle, ayaa loo sii daayay maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii ka dhacy deegaankaa mudooyinkii lasoo dhaafay, waxayna wefdiga oo ay gelbinayaan koox wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, isla markaana wata maxaabiistaa maanta gaadheen Caynaba, iyagoo usii jeeda dhinaca deegaanka Buuhoodle, waxayna talaabadani noqonay mid ay suurta gal tahay inay wax ka bedesho xaalada colaadeed ee ka jirtay deegaankaa oo noq-noqonaysay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *