Hargeysa(ANN)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro ), ayaa sheegay inuu qabanayo tartan nooc cusub ah oo loo qaban doono dadka cunista Qaadka iska daaya isla-markaana abaal-marin la siin doono

 

qofkii ku guulaysta tartanka jaad joojinta.

Sheekh Aaden Siiro  oo shalay ka hadlayey Masjidka uu khadiibka ka yahay ee Qubba ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inuu abaal-marino ku bixin doono joojinta cunista Qaadka oo uu sheegay inuu dhibaato badan ku hayo shacabka reer Somaliland oo isticmaalka qaadku sanadii u danbeeyay kusoo badanayo, balse ay waxba ka qaban waayeen maamuladii isaga danbeeyay Somaliland, isla markaana ay  isku dayo golaha wakiilada Somaliland markii la doortay 2005, kusoo qaadeen inay ugu yaraan xakamaynayaan qaadka iska soo daba dhaca ee soo gala Somaliland gaar ahaan magaalada caasimada ee Hargeysa waxba ka qaban kari waayeen. laakiin doodaha dhibaatada qaadka ay dadku wada rumaysan yihiin intooda baddan, balse  ay lagama maarmaan tahay  in dedaal dheer loo gallo sidii loola dagaalami lahaa  qaadka oo dhaqaallaha bulshada ku haya naafo weyn.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xirsi (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada ugu cad cad Somaliland, isla markaana inta badan aad u daneeya arimaha la xidhiidha horumarinta arimaha bulshada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qiyamka bulshada, ayaa dhawaaqiisa joojinta cunista qaadka iyo qorshihiisa ah  in abaal-marin la siin doono qofkii iska daaya,  ama joojiya cunista qaadka  kusoo qaatay qudbadii Jimcaha ee Masjidka uu khadiibka ka yahay ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Xawaadle ee Woqooyiga magaalada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxa aynu uga jeednaa sannadkan abaalmarin badan ayaa laga bixin doonaa Masaajidka (Masaajidka uu Khadiibka ka yahay), waxa ka mid ah jaa’isada Qaad–joojinta oo lagu bixin doono abaalmarin dhan $300 doolar IInsha Allah” ayuu yidhi.

Hase yeeshee Sh. Aadan sharaxaad baddan kama bixin sida uu abaalmarinta u siin doono dhalinyarada  joojisa qaadka, iyadoo ay suurta gal tahay inay qaar baddan oo ka mid ah dhalinyarada qaadka ku mamay u riyaaqaan, balse ay ku fekeraan oo keliya sidii ay abaalmarintaa u qaadan lahaayeen, iyadoo ay qaar baddan oo dhalinayaradaa ka mid ahi  rumaysan yihiin, ama ku doodaan in balwada qaadka kga maararoobaan shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan dalka, balse ay iska deyn lahaayeen haddii ay haysan lahaayeen shaqooyin. sidaa awgeed ay qaar badan ula fogaatay balwada qaadku.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *