Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aan aqlabiyad buurnayn ku ansixiyay xeerka furashada ururada siyaasadda ee L/14 oo  dhawaan Golaha Wakiiladu u gudbiyeen, iyadoo aanu ku meel marin aqlabiyad buuran. Fadhiga  Golaha Guurtida ee maanta waxa

Guddoominayay ku simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida, isla markaana ah  Guddoomiye ku xigeenka aqalka Odayaasha Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, waxaana madasha  kasoo xaadiray 53 Mudnae oo ka mid ah 82 mudane ee golahaasi ka kooban yahay.
Markii fadhiga golaha loo weydiiyay xeerkaa cod waxa ogolaaday ansixintiisa 33 Xildhibaan, 15 Mudane ayaa  diiday in  xeerka lasii daayo. waxaana  ka aamusay 4 Xildhibaan oo keliya.
Xeerkan furashada ururada siyaasada ayaa loo gudbinaynayaa Madaxweynaha Somaliland si uu digreeto ugu soo saaro dhaqan galka xeerkan, ama dib ugu soo celiyo golaha wakiilada sida uu dhigayo dastuurku haddii uu u arko inay waxyaabo in u baahan in la saxaa ka muuqdaan. Xeerkaa oo mabda ahaan bulshadu ku kala qaybsan tahay ayaa  fasaxaya in dalka laga furan karo ururo siyaasadeed oo ka qeyb gala doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya. Sidoo kale wuxuu fasaxyaa in tobankii sannadoodba mar ay tartamaan ururo siyaasadeed, isla markaana saddexda ugu codadka badani u noqdaan xisbiyo qaran.
Xeerka ay golayaashu anixiyeen  waxa kale oo uu jidaynayaa in urur kasta laga qaado lacag deebaaji ah oo dhan 150 Milyan oo shilin oo la mid ah 20 kun oo Dolar. Golaha guurtida ayaa dhawr sanandood ka hor 2005, sidan oo kale mar ay golihii wakiilada ee hore ugu gudbiyeen wax ka bedel lagu sameeyay xeerkaa ku gacan saydhay, isla markaana 61 mudane oo ka mid ah golahaa ayaa sababaha ay u cuskadeen xiligaa ku tilmaamay inuu ka hor imanayo distoorka.
Laakiin golaha guurtida oo dhowaan loo gudbiyay mar kale. Kadib markii kaabis iyo wax ka bedel ay ku sameeyeen golaha wakiiladu ayaa hada ku ansixiyay cod aqlabiyad aan buurnayn, iyadoo golaha wakiiladana uu sidan oo kale kaga soo gudbay xeerku isagoo aan haysan aqlabiyad buuran. Kadib markii ay u codeeyeen 29 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golaha wakiiladu ka kooban yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *