Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in aanay xukuumaddu qaadi karin cashuur aanay Golaha Wakiilladu ansixin, wasaarad ahaanna cashuuraha ay qaadaan

horgeyn doonaan fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada, isagoo caddeeyey gebi ahaanba in ay dakhliyadii wasaaraddiisu qaadi jirtay ay ku wareejiyeen  Wasaaradda Maaliyadda.
Mr.  Maxamuud Xaashi  waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad ay xilka kula kala   wareegayeen agaasimaha cusub iyo kii hore ee wasaaraddiisa, waxa uu si adag u difaacay eedaymo la xidhiidha in Wasaaradda Duulistu qaaddo cashuuro aan sharci jideeyey jirin.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinayey noocyada dakhliyada kala duwan ee wasaaraddiisu ka qaaddo madaarrada dalka, waxa uu yidhi; “Had iyo jeer waxaan sheegayaa inay saxaafaddu qorto Wasaaradda Duuslistu cashuuro sharci-darro ah ayey qaaddaa. Waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland iyo saxaafadda aan xogogaalka ahayn goleyaasha, marka hore waa inay xogogaal noqdaan,  amma waa inay annaga wax na weydiiyaan oo xaqiiqda dultagaan.

Xukuumaddan KULMIYE waxay muhiimadeeddu tahay inay la dagaallanto musuqmaasuqa oo siyaasaddeedu tahay in hantida ummadda iyo dakhliga meel lagu wada ururiyo, meel qudhana laga wada maamulo, hantidii soo geli jirtay oo lagu maamuli jiray danaheeda iyo arrimaheeda waxaannu ku wareejinay dakhligii ay soo saaraysay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaraddani ma qaaddo lacag sharci-darro ah, lacagtaas lafteedana is-faham baannu ka leenahay dawlad ahaan, waanuna horgeyn doonaa Golaha Wakiillada, sharkadaha bixiyana waannu ka wada hadalnay, waayo lacagtaas waa lacag ay ka qaado xuduudda hawadeenna. Markaa dawladdu ma qaadi karto cashuur aan sharci jidayn oon Golaha Wakiilladu ansaxin, laakiin duruufta taal awgeed si ku-meel-gaadh ah ayaa loo sii bilaabay, illeyn awalba waxani hore ayey u socodeene. Golaha Wakiillada ayaannu horgeynaynaa dawlad ahaan, haddii Golaha Wakiilladu ansixiyana way sii socon doontaa, hadduu diidana way joogsan doontaa, waayo qiil xalaaleeyana la heli maayo, siday ku sii socotaanna waxa weeye sida lacagta ay qaadi jirtay hay’adda caalamiga ah. Markii muranku dhacay ayaannu innagu masuuliyadeedda qaadnay, iminkana si ku-meel-gadh ah ayaa loo wadaa oo kalfadhingan baa Golaha Wakiillada la horgeynayaa, sidaa darteed shirkadaha waxaannu ka codsanay inay dulqataan duruuf jirta awgeed qaaditaanka lacagtaas, annaguna Wasaaradda Maaliyadda ayaannu ku wareejinaynaa.”

“Lacagta labada doollar ah ee madaarrada lagu qaado wasiirkii horeba siduu ii xaqiijiyey waa lacag tabarucaad ah, aniguna waa sidaan ku ogaa, haddii cashuur joogta ah laga dhigayo ayuun baa Golaha Wakiillada la horgeynayaa.

Iminka waa tabarucaad oo dadka muwaaddiniinta ah ayaa ku tabarucaya, markaa annagu ka guban mayno dhaliilaha, talooyinkana waannu u maskax furannahay, waayo waxaannu ahayn xisbi mucaarid ah muddo dheer. Xukuumad baannu nahay xisbi mucaarida ahaan jirtay muddo dheer, waxaanuna leenahay waxaan jirin yaan la sheegin, waayo annagu waxaan jirin maannu sheegi jirin.

Wasaaraddani sida wasaaradaha dekedaha u qaadaan adeeg u gaar ah oo dakhliga dawladaha u hoyan, ayaa madaarkana lagu qaadi karaa lacago u gaara oo danaha madaarrada lagu fulinayo. Shirkad baa la siiyey waddani ah iyadaana qaadda, markaa dakhli meel kale ka soo galyaa ma jiro, ka beerta waraabiya, ka waddada xoolaha ka celiya lala sugu kari maayo foojar laga soo saxeexayo Wasaaradda Maaliyadda, xisaab-celinteedana waxaannu siinaynaa Hantidhawrka,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *