Hargeysa(ANN)Taliyaha guud ee ciidamada Bilayska  Somaliland Md Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal), ayaa maanta markii ugu horeysay ka tafaasiil ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay guriga Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda  Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Taliye Cilmi Rooble Furre, waxa uu sheegay in gacan ku dhiiglaha dilay Marxuum Cali Muuse Gudde oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ee guriga Wasiirkii hore ee Maaliyadda aanu ka mid ahayn ciidamada booliska Somaliland oo saddex bilood ka hor laga eryay shaqada askarnimada ka dib markii uu gudan hawsha sugida amniga ee boolisku u xilsaran yahay.
Md Cilmi Rooble Furre (Kabaal) waxa uu beeniyay in marxuumka dhintay oo isagu aan ahayn askari balse ahaa qof shicb ah oo ilaalada guriga lacag ku qaata ay xabadu kaga dhacday garabka (Kalanta), isaga oo Wasiirkii hore ee Maaliyadu uu sheegay inay marxuumka wadnaha kaga dhacday.
Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn faahfaahinaya sida dilku u dhacay ayaa yidhi “Shalay markii ay saacaddu ahayd 7:30 subaxnimo, waxa lagu dilay guriga wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Marxuum la odhan jiray Muuse Xirsi Gudde, oo Cawil hore yidhi ciidanka booliska ayuu ka tirsanaa, kamuu tirsanayn, ciidanka booliska oo shaqada booliska saddex bilood ayuu ka sii maqnaa oo waa laga eryay”
Talyaha guud ee ciidamada booliska Somalilad Md Cilmi Kabaal waxa kale oo uu soo qaaday “Nin shacab ah oo u shaqeeya wasiirkii hore oo ilaalada gurigiisa ka mid ah ayuu ahaa, arrimaha dilku markay dhacaan waxa ugu horeeya ee la is waydiiyaa waa maxaa sababay? Ninkan wax dilay iyo marxuumku wasaaradda maaliyadda ayay lacag ka qaadan jireen, markaa ninkan wax dilay shalay ayuu u yimi qasnajiga wasaaradda maaliyadda waxaana qasnajigu u sheegay in lacagtiisii ay ugu dhiibtay marxuumka la dilay, lacagtaasi oo ahayd  98000 shilika Somaliland ah, ka dibna ninkii oo saaran gaadhi ay wataan laba nin oo kale ayaa toos u tagay gurigii Cawil ee marxuumku joogay, waxaanu ninkii toos u galay qolka ay seexdaan ilaalada guriga oo markaa uu jiifay marxuumkan dhintay.”ayuu yidhi.
Md Kabaal oo sii sharaxaya sida dilku u dhacay ayaa intaa ku daray “Waxaanu intaa ku daray “Dabadeedna marxuumka dhintay ayuu laad ku kiciyay waxaanu ku yidhi markuu toosiyay keen lacagtaydii, wuxuu ugu jawaabay marxuumku maan soo qaadin, ka dibna marxuumka ayaa riixay ninkii gacan ku dhiiglaha ah oo ku yidhi orodoo naga tag, intaa ka dib ayuu ninkan wax dilay baaskoolad uu sitay xabad kaga dhuftay garabka dushiisa halka kalxanta la yidhaahdo, laakiin sida Cawil sheegay wadnaha xabaddu kagamay dhicin marxuumka.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *